Arday Soomaaliyeed oo ka qalin-jebisay Jaamacadda Al-Azhar ee Magaalada Qaahira (DAAWO SAWIRRO)


Arbaco, September 30, 2009(HOL): Maamulka  Naadiga Ardayda Soomaaliyeed ee Waddanka Masar ayaa waxay caawa ku qabteen Xaflad  qalin jabin ah oo aad u ballaaran  Xarunta Jaamacada Al-azhar ee Magaalada Qaahira.

Xafladdaas ayaa waxaa  ka soo qayb galeen Mas’uuliyiin iyo Dadweyne aad u fara badan oo deggan  Waddanka Masar, waxaana halkaas  lagu guddonsiiyay Ardayda qalin-jebisay Shahaaddooyin kuwaasi  oo ay tiradoodu ahayd 52 arday oo ka kala socday Jaamacadaha Al-azhar iyo Cairo University,

Ardaydaas ayaa waxay ka qalin jebiyeen oo ay barteen Cilmiyada (Social Work, Law, Commerce, Islamic Religion, Computer science, Engineering, Agriculture iyo takhasusyo kale.

Waxaa kaloo halkaasi lagu guddonsiiyay shahaaddooyin dhallinyaradii ku guuleystay Tartankii quraanka kariimka ee bishii Ramadaanka iyo dhallinyaradii sida weyn wax uga qabtay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Waddanka Masar.

Xafladdaasi  oo uu naadigu si weyn u soo diyaariyay waxaa qudbooyin tusaale iyo guubaabo leh ka jeediyay dhammaan Mas’uuliyiintii ka soo qaybgalay Xafladdaas.








Maxamed Cabdi
[email protected]
Cairo, Egypt