Arbaco, September 30, 2009(HOL): Dowladda Jarmalka ayaa ku taageertay Dowladda Faransiiska Ciidamo ay u tababareyso Dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka noqon doona howlgallada nabad-raadinta ah ee ka socda Soomaaliya.
“Waan u gudbiyay Dowladda Faransiiska taageeradeyda guud ee ku aadan tababaridda Ciidamada Soomaaliya”sidaas waxaa yiri Wasiirka Gaashaandhigga Jarmalka Josef Jung, kaasi oo warfidiyeenno kula hadlay Magaalada Gothenburg ee dalka Sweden kaddib wada hadallo halkaas ugu soo dhamaaday Wasiirrada Gaashaandhigga Midowga Yurub.
Dowladda Faransiiska ayaa 500 oo askari oo Soomaali ah ku tababari doonta Dalka Jibouti, halkaas oo ay horay u joogeen Ciidamo ka socda Dowladda Jarmalka, kuwaasi oo ka qeybqaadanaya howlgalka uu Mareykanka hoggaaminayo ee la dagaalanka argagixisada Caalamka.
Wasiirka Gaashaandhigga Jarmalka waxaa uu intaas ku daray in Madaxa Midowga Yurub u qaabilsan Arrimaha Dibadda Mr. Javier Solana uu weydiistay Midowga Yurub in la isla meel-dhigo qorshe lagu tababarayo Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Afhayeenad u hadashay Javier Solana-na waxay sheegtay in Dowladda Faransiiska ay horay u tababartay ku dhawaad 150 askari oo Soomaaliya, iyadoo xustay in Dowladda Spain-na ay tababarkaas ka qeybqaadan doonto.
Midowga Yurub ayaa wuxuu hadda Xeebaha Soomaaliya iyo gacanka Cadmeed ka wadaa howlgallo uu kula dagaallamayo Burcad Badeedda, iyadoo howlgalkaasna lagu qabqabtay dhalinyaro badan oo Soomaali ah oo qaarkood tuhun loo qabtay, halka kuwo kalena la soo qabtay iyagoo gacmaha kula jira falal burcad badeednimo ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya