
Arbaco, September 30, 2009(HOL): Waxaa si habsami leh shixnaddii saarneyd looga dejinayaa Markabka MV Barwaaqo oo dhowaan isagu ka badbaaday kooxo burcad badeed ah oo ku helay meel aan sidaasi uga fogeyn Dekedda caalamiga ah ee magaalada Muqdisho.
Markabkan oo isagu sida shixnado kala duwan una raran ganacsato Soomaaliyeed, ayaa Kabtankii waday waxa uu ku geeriyooday israsaaseyn dhexmartay kooxaha burcad badeedda ah iyo ciidamada ilaalada Dekedda oo kaashanaya kuwa AMISOM.
Shixnadaha markabkaasi uu sido ayaa waxay isugu jiraan xamuul guud oo ka kooban badeecado kala duwan sida Bagaash, Bur, Bariis, Sokor iyo badeecado kale, kuwaasi oo dhammaantood ku socda magaalada Muqdisho.
Markabkan oo ka yimid dalka Imaaraadka Carabta ayaa badeecadaha uu sido waxa uu ka soo kala qaaday dhowr wadan oo ku yaalla gacanka Carabta iyo Hindiya, isagoona markii uu soo galay dalka Soomaaliya, gaar ahaan agagaarka magaalada Muqdisho la kulmay dhowr shil.
Shilka labaad ee la soo gudboonaaday xubnaha wakiillada shirkadda Markabka MV Barwaaqo ayaa ah kaddib markii ciidamada AMISOM ay rasaas la dhaceen gaari Ambulance ah oo siday meydka kabtanka Markabka oo la doonayay in laga dhoofiyo garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Markabkii dhowaan ka badbaaday burcad badeeda oo si habsami leh looga dejinayo shixnaddii saarneyd Dekedda caalamiga ah ee Muqdisho (DAAWO SAWIRRO)
More News
- Beesha Caalamka oo goob-joog ka ahayd Heshiis ay wada-jir u saxeexdeen Madaxweyne Rayaale iyo labada Guddoomiye Xisbi Mucaarad ee Somaliland (DAAWO SAWIRRO)
- FAYSAL CALI WARAABE: “Sheekh Shariif iyo Xasan Daahir Aweys waxaan leeyahay caqli keena dadka dhimanayaa waa dadkiiniiye”
- Maamulka Xisbul Islaam oo dib ula wareegay Beledweyne
- Jarmalka oo Faransiiska ku taageeray Ciidamo uu u tababarayo Soomaaliya
- Xisbul Islaam oo u jawaabay Al-shabaab
- Arday Soomaaliyeed oo ka qalin-jebisay Jaamacadda Al-Azhar ee Magaalada Qaahira (DAAWO SAWIRRO)
- Ciidamadii Dowladda Soomaaliya oo xalay gabi ahaan isaga baxay Magaalada Beledweyne.
- Maamulka islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo oo ku dhawaaqay in ay bilaabi doonaan dagaal ka dhan ah Ciidamada Ururka Xizbul Islaam ee ku sugan magaaladaas