Ciidamadii Dowladda Soomaaliya oo xalay gabi ahaan isaga baxay Magaalada Beledweyne.

Arbaco, 30, Sep, 2009 (HOL) Ciidamadii Dowladda Soomaaliya ee labada cisho ka hor la wareegay Magaalada Beledweyne ayaa saqdii dhexe ee xalay mar kaliya isaga baxay Magaalada kaddib markii sidaa ay ku amreen Saraakiishii hoggaamineysay Ciidamada.
 
Lama oga sababta dhab ahaan ka dambeysa in Ciidamada Dowladdu isaga baxaan Magaalada Beledweyne oo labo maalmood ka hor ay kala wareegeen Ciidamo ka tirsan Maamulka Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow ee ku biiray Ururka Xisbul Islaam, waxaana jira warar soo baxaya oo sheegaya in Saraakiishu ka war heleen duullaan dagaal oo kaga soo fool leh Ururro Diimeedka ka soo horjeeda Dowladda.
 
Dhinaca kale wararka laga helayo degmada Buula-burte ee Goballka Hiiraan ayaa sheegaya in Xoogagga Xarakada Shabaabul Mujaahidiin dhaawaceen Darawalkii Guddoomiyaha Goballka Hiiraan Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow, kaddib markii Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo kuwa Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow uu dhaxmaray muran ku saleysan hub sida la sheegay lagu amray in uu soo wareejiyo Shiikh C/raxmaan Macow.
 
Sikastaba arrintu ha ahaatee Magaalada Beledweyne ayaa waqtigan ah mid aan cidina ka talin lamana garanayo sida saacadaha soo socda xaaladdu isku badali doonto, maadaama Maamulkii hore iyo kii dhawaan la wareegay labaduba dibadda uga maqan yihiin.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]