Sabti, September 12, 2009(HOL): Waxaa maanta si heer Qaran ah loogu aasay Magaalada Muqdisho, Gaar ahaan Dugsiga Booliska Meydadka 11 ruux oo ka tirsanaa naafadii Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo shalay uu Madfac kula habsaday gudaha Isbitaalkii Martiini.
Aaska Meydadkaas waxaa ka qeybgalay xubno ka socday labada Gole ee Dowladda Soomaaliya, Madaxda Gobolka Banaadir, Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo weliba dadweyne aad u faro badan.
Mas'uuliyiintii Dowladda ee aaskaas ka qeybgalay ayaa si weyn uga xumaaday dhibaatada soo gaartay Naafadii Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur oo aaska ka qeybgalay ayaa sheegay in madaafiicda ay ku dhinteen 11-ka ruux ay ka dambeeyeen kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya.
Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed G/lle Dhexe C/llaahi Xasan Bariise ayaa isna ku tilmaamay dhibaatada ku dhacday Naafada Xoogga Dalka Soomaaliyeed musiibo Qaran, wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay in la dilo sida uu u yiri hambadii ka soo hartay dagaalkii dhexmaray Itoobiya iyo Soomaaliya ee dhacay sanadkii 1977-kii. "11-ka ruux ee aan aaseyno waxa ay ku geeriyoodeen madfac ay soo tureen nimankii Al-Shabaab lagu magacaabayay ee dhibaatada u geysanayay shacabka Soomaaliyeed"ayuu yiri C/llaahi Xasan Bariise oo sheegay in xiliga uu ku dhacay madfacaas 11-ka ruux ee geeriyooday iyo weliba kuwo badan oo dhaawacmay ay u fadhiyeen afurkii soonka.
Afhayeenka Naafada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Cabdi Mahad Cali oo qudhiisa ku dhaawacmay madficii dilay 11-ka Ruux ayaa sheegay in uu si weyn uga xun yahay in ay ku dhintaan gacanta shacabka Soomaaliyeed oo ay shalay difaacayeen.
Naafada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waxay Isbitaalka Martiini ku noolaayeen tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay Dowladdii hore ee Soomaaliya, iyadoo la xusuusan yahay in ay halkaas ku heysay, inta weli ku noolna ku heyso xaalad nolol xumo ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya