Tirada Dad ku dhintay Madaafiic shalay ku dhacay Isbitaalka Martiini iyo Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho oo sii kordheysa

Sabti, September 12, 2009(HOL): Waxaa sii kordheysa tirada dadkii ku dhintay madaafiic shalay ku dhacay gudaha  Isbitaalka Martiini iyo Xabsiga Dhexe  ee magaalada Muqdisho.

Madaafiicdaas ayaa waxay geysteen dhimashada ilaa 13 ruux, tiro kale oo intaas ka badanna dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray. Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxay u badan yihiin naafadii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaasi oo uu Isbitaalka deegaan u ahaa tan iyo burburkii dowladdii hore, inkastoo 3 ruux oo dadka dhintay ka mid ah ay ku geeriyoodeen gudaha Xabsiga Dhexe.

Madaafiicdaas dhimashada iyo dhaawaca geystay ayaa waxay ka mid ahaayeen madaafiic dhowr ah oo shalay gelinkii dambe lagu weeraray Dekedda weyn ee Muqdisho oo la sheegay in xiligaas uu ku xirnaa markab u rarnaa Ciidamada Amisom.

Hay’adda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha ee Elman ayaa cambaareysay falkii ay ku waxyeeloobeen Naafadii Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaasi oo markii horeba ku naafoobay dagaalkii dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya sanadkii 1977-kii.

Guddoomiye ku xigeenka Hay’addaas Cali Shiikh Yaasiin (Cali Fadhaa) ayaa sheegay inay cambaareynayaan falkii lagu waxyeelleeyay dadkaas naafada ahaa, wuxuuna caddeeyay in ay si gaar ah uga damqanayaan dhibka soo gaaray dadkii u naafoobay difaacada dalka, dadka iyo diinta soomaaliyeed, inkastoo uu xusay in dhibaatada ku dhacday ay la mid tahay midda ku dhacday dad badan oo Soomaaliyeed oo Muqdisho ku dhaqan.

Sidoo kalena, waxaa dhimashada iyo dhaawaca dadkaas ka hadlay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur oo sheegay in uu ka xun yahay in madaafiic lagu weeraro dad rayid ah oo aan waxba galabsan, kuwaasi oo weliba ah kuwii u naafoobay difaacidda dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Dhagaxtuur wuxuu sheegeen in madaafiicdaas ay soo tuureen kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya