Madaxweynaha Puntland oo baaq u diray Maamulka iyo Shacabka Somaliland

Sabti, September 12, 2009(HOL): Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa ka hadlay xaaladda Somaliland, isagoo la hadlayay Wariyaasha kaddib markii ay shir Jaraa'id si wadar ah u wada qabteen Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xaalada dalka Soomaaliya Axmed Walad Cabdalla oo maanta soo gaaray caasumada Puntland ee Garowe.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Siyaasiinta, Waxgaradka iyo cid walboo jecel nabadda Somaliland  in ay joojiyaan rabshadaha maanta ka bilowday Somaliland, kuwaasi oo uu sheegay in ay jiraan dad badan oo doonaya in ay dhibkaasi qeyb weyn ka qaataan, wuxuuna caddeeyey in dadka ku nool magaalada Hargeysa ay yihiin dad Soomaaliyeed.

" Dadka Somaliland waxaan ugu baaqayaa in ay taageeraan nabadgalyada, isla markaasna ay xigmaddooda shaqeyso, waxaan leeyahay taageera dadaalladiina nabdeed, ka shaqeeya Horumarka iyo amaanka" ayuu yiri Madaxweynaha dowladda Puntland ee Soomaaliyeed Dr. C/raxmaan Maxamed Faroole.

Baaqa Madaxweynaha dowladda Puntland Mr. C/rixmaan Sheekh Maxamed Sheekh Maxamuud ayaa ku soo beegmaya xili ay maanta rabshado ka dhaceen magaalada Hargeysa, isla markaasna ay geysteen khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira, iyadoo weli ay socdaan rabshado markoodii hore ka bilowday Arrimaha Siyaasadda Somaliland.

Dhinaca kalena dowladda Puntland ayaa maanta ka codsatay Qaramada Midowbay in ay ka taageerto xaalka magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug, oo ay sheegtay Puntland in ay tahay magaalo ay joogaan dad badan oo ka yimid meelo kala duwan.
 
Madaxweynaha Puntland ayaa soo qaaday wada hadalladii iyo shaqadii ugu dambeysay ee uu Magaalada Gaalkacyo u tagay bishii ugu dambeysay oo dhan, wuxuuna caddeeyey in ay soo qabteen wax badan, isla markaasna ay wali jiraan waxyaabo badan oo ubaahan in wax laga qabto.

Dr. Faroole ayaa ku sifeeyey magaalada Gaalkacyo meel ay wada joogaan dad kala duwan, isla markaasna ay mudan tahay Puntland in gacan laga siiyo in ay sugto amaanka magaalada, wuxuuna ka codsaday QM in ay gacan ka siiso arrimahaasi oo ay ku taageerto dhinacyada Maaliyadda iyo tababarrida ciidamada Ammaanka.

Wada hadallada Puntland & QM ee maanta ka dhacay magaalada Garowe ayaa wali socda, waxaana jira wada hadallo gooni  ah oo dhexmaraya dowladda Puntland ee Soomaaliya iyo Sarkaalka ugu sarreysa QM ee qaabilsan arrimaha dalka nabad la'aanta ah ee Soomaaliya.

Maxamed Cali Royter, Hiiraan Online
[email protected]
Garowe, Soomaaliya