Mudaharaad dhimasho iyo dhaawac keenay oo ka dhacay Hargeysa (DAAWO SAWIRRADA)


Sabti, 12 September 2009 (HOL): 3 qof ayaa dhintay, tiro kale oo aan ilaa hadda la sugin-na waxa soo gaadhay dhaawac, ka dib markii Ciidamada Boolisku Rasaas u adeegsadeen Dadweyne maanta ka mudaharaaday tallaabo ay Xukuumaddu mar kale isu-hortaagtay in Xildhibaannadu galaan Golaha Baarlamaanka oo maalmihii u dambeeyay xidhnaa.

Jidadka Magaalada ayaa maanta xidhnaa, isla markaana waxa lagu gubay Taayirro, waxaana lagu gooyay Dhagxaan. Ciidamada Booliska ayaa Rasaas nool iyo Gaasta dadka ka ilmaysiisa u adeegsaday Dadweynaha maanta Mudaharaadayay. Taasina waxay keentay inay Dadweynuhu ka gadoodaan, isla markaana ay gubaan Gaadhi ay leedahay Dawladdu.

Wararka laga helayo goobaha Cusbatallada ee Magaalada Hargeysa oo la geeyay dhaawaca iyo Dhimashada dadka Mudaharaadayay, ayaa sheegay in saddex qof ay dhinteen, isla markaana dhaawacu 6 kor u dhaafay. Hase ahaatee, noomay suurtogelin in aanu tagno goobaha Cusbatallada, Xaaladda Magaalada oo aad u qasnayd maanta iyo Ciidamada Booliska oo xidhay Jidadka tega Cusbatalka guud iyo kuwa gaarka ah, isla markaana Rasaas adeegsanayay.

Waxaan la hubin tirada dadka la xidh-xidhay oo ay ku jiraan Suxufiyiin ka hawl-gala Warbaahinta Madaxa banaan.

Dhinacyada Siyaasadda Somaliland ayaa la filayaa inay saacadaha soo socda ka hadlaan dhacdadan maanta ee Hargeysa. mar aaanu wax ka waydiinay Guddoomiyaha KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa waxay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan.

Madaxweyne Rayaale ayaa la sheegay in uu xalay ka noqday go’aan uu shalay ku ogolaaday in maanta la furo Golaha, taas oo keentay inay dhacaan Mudaharaadyadan dhimashada keenay.





Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland