Sabti, September 12, 2009(HOL): Hal Askari ayaa geeriyooday labo kalena dhaawac ayaa soo gaaray kaddib markii uu dagaal ku dhexmaray nawaaxiga Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ee Magaalada Muqdisho.
Iska hor-imaadka dhexmaray Ciidamada ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu qarxay kaddib markii Ciidamo ka tirsan Dowladda ay jid-gooyo dhigteen meel u dhow Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo Ciidamadaasna ay jid-gooyada ku tilmaameen mid ay ku muujinayaan mushaarooyin ka maqan muddo bilooyin ah.
Ciidamadii ay jid-gooyada u taallay ayaa waxaa dul-yimid ciidamada Daraawiishta Dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo dhawaanahanba la dagaallamayay kooxaha burcadda ah ee dadka dhaca u geysta iyo weliba ciidamada dowladda ee la sheego in ay dadka kula kacaan falal dhac iyo handadaad isugu jira.
Iska hor-imaadka labada Ciidan dhexmaray ayaa la sheegay in uu xoogganaa, isla markaana ay rasaas xooggan isugu adeegsadeen, inkastoo markii dambe laga itaal roonaaday ciidamadii jid-gooyada dhigtay.
Ma ahan markii ugu horreysay oo Ciidamad Daraawiishta Dowladda Soomaaliya ay la dagaallamaan ciidamo kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo falal aan wanaagsan faraha kula jiray. Ciidamada Dowladd Daraawiishta ayaa waxay yihiin Ciidamada kaliya ee Dowladda Soomaaliya ka amar qaata oo si nidaamsan uga howlgala magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya