Sabti, 12, Sep, 2009 (HOL) Af-hayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Shiikh Cali Max'uud Raage (Shiikh Cali Dheere) ayaa markii ugu horreysay si cad ugu dhawaaqay in uu jiro heshiis dhexmaray Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo sida uu hadalka u dhigay Beesha Xawaadle kaddib kulan ka dhacay degmada Maxaas ee Goballka Hiiraan.
Af-hayeenku waxaa uu sheegay in Waxgarad iyo Odayaal ka tirsan Beesha Xawaadle oo uu horkacayo Guddoomiyaha Maamulka Goballka Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow isku arkeen degmada Maxaas ee Goballka Hiiraan, halkaas oo looga wada hadlay ayuu yirir qodobo dhowr ah oo saldhig u ah heshiis dhexmara labada dhinac.
Shiikh Cali Dheere oo faah faahin ka bixinaya qodobada lagu heshiiyay ayaa sheegay in ugu horreyn leysku af-gartay in meesha laga saaro sida uu hadalka u yiri mad madawogii ku dhex jiray Beesha Xawaadle iyo Xarakada Shabaabul Mujaahidiin islamarkaana laga wada shaqeeyo Nabad-galyada.
Sidoo kale waxaa uu Shiikh Cali Dheere carrabka ku dhaftay in Beeshu ka ogaatay in meel looga soo wada jeesto dagaalka lagula jiro sida uu hadalka u dhigay Cadawga soo duulay, iyo in deegaannada ay Beeshu degan tahay laga hirgaliyo ku dhaqanka Shareecada Islaamka.
Axmed C/dulle Jimcaale oo ku hadlay afka Waxgaradkii ka qeyb-galay kulanka ka dhacay Degmada Maxaas ayaa sheegay in uu jiro heshiiska dhexmaray Xarakada Shabaabul Mujaahidiin leyskuna afgartay dhamaan qodobadii laga wada hadlay, waxaana uu intaas ku daray Axmed C/dulle Jimcaale in wixii hadda ka danbeeya Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo Beesha Xawaadle yihiin kuwo isku dan ah isla markaana iska kaashanaya Nabad-galyada.
Hadalka ka soo yeeray Af-hayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa ku soo beegmaya xili maalmihii ugu dambeeyay kulamo is-daba joog ah lahaayeen Guddoomiyaha Maamulka Goballka Hiiraan iyo Saraakiil ka tirsan Al-shabaab, waxaana xusid mudan in kulankan ugu dambeeyay ee dhacay degmada Maxaas ay ka qeyb-galeen Odayaal ay si weyn isugu dhaw yihiin Guddoomiyaha kaas oo ugu dambeyntii lagu sheegay in lagu gaaray heshiis dhaxmaray Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo sida hadalka loo dhigay Beesha Xawaadle.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Af-hayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo sheegay in ay heshiis la gaareen Beesha Xawaadle
More News
- Meydadka 11 ruux oo ka tirsanaa Naafadii Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Muqdisho si heer Qaran ah loogu aasay
- Xagee Isboortigii Somaliya Marayaa, ayaase u maqan?
- Mudaharaad dhimasho iyo dhaawac keenay oo ka dhacay Hargeysa (DAAWO SAWIRRADA)
- Madaxweynaha Puntland oo baaq u diray Maamulka iyo Shacabka Somaliland
- Iska hor-imaad hubeysan oo nawaaxiga Madaxtooyada Villa Somalia ku dhexmaray Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya
- Tirada Dad ku dhintay Madaafiic shalay ku dhacay Isbitaalka Martiini iyo Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho oo sii kordheysa
- Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould Abdallah oo gaaray Puntlnad
- Caruur shuban biyood ugu dhimatay deegaanno ka tirsan Degmada Burtinle
- Qof ku dhintay Rasaas ay fureen Ciidamada Booliska Soomaliland oo kala eryayay dad ku soo xoomay Xarunta Golaha Wakiillada