Sabti, September 12, 2009(HOL): Degmada Burtinle ee gobolka Nugaal ayaa waxaa laga soo sheegayaa in uu wiil yari ugu dhintay cudurka shuban biyoodka,halka ay sadex kalena la il daran yihiin cudurkaasi,kuwaaso oo loola cararay cusbatalka dhagacadde ee ku yaalla magaalada Gaalkacayo ee gobolka Mudug.
Dadka degmadaasi ayaa haatan heegan weyn uga jira cudurkan oo ay dadka qaar ku sheegayaan in uu yahay shuban biyood, qaarna ay tibaaxayaan in aan la garaneynin nooca uu yahay waa sida uu HOL u sheegayo xog-hayaha dowlada hoose ee degmaadsi Xaafid Axmed C/risaaq.
Xaafid Axmed C/risaaq oo ay HOL wax ka waydiisay in ay degmada Burtinle ay leedahay cusbatal iyo in kale ayaa ku jawaabay.
''Degmadu waxa ay leedahay labo MCH, kuwaasi oo loogu talagalay in ay kabaan baahida caafimaad ee ka jirta halkaasi, waxa ayna hoostagaan wasaaradda caafimaadka Puntland.
Wuxuu intaas ku daray Xaafid in ay labaduba haatan shaqeeyaan kuwaasi oo mid ka mid ah ay taageerto haya'adda Marshel ee degmadaasi ka howlgasha, halka kan kalena ay si toos ah u taageerto wasaaradda caafimaadka Puntland.
Dhanka kale xog-hayaha dowlada hoose ee degmaadsi Xaafid Axmed C/risaaq waxa kaloo uu ka warbixiyay in degmadaasi tuulooyinka ku hareeraysan ay ka jirto abaar aad u baahasan oo sababtay in ay dadku haraad dartiis u soo buux dhaafshaan degmada Burtinle.
Sidoo kale waxaa uu sheegay Xaafid Axmed in tuulooyinkan aysan ka di'in roobabakii Guga. Tuulooyinkaasi oo uu ku sheegay in ay ka kooban yihiin ilaa 35 tuulo oo dhamaantoodba hoos yimaada degmada Burtinle ee gobolka Nugaal. Xog- hayaha waxa uu aad walaac uga muujiyay xaaladda ay iminka ku sugan yihiin dadka iyagu tuulada dul saarka ku ah ee xoolahoodii ay abaartu laysay.
Ugu dambeyntiina, waxaa uu tibaaxay Xog- hayuhu in xaalada nolaleed ee tuulooyinkaasi ka jirta ay noqon doonto mid aan marka dambe loo caal helayn, mar haddii xaalku halkaasi marayo oo aysanna jirin ilaa iminka cid isu taagtay in ay wax ka qabato arintaasi.
Qof ku dhintay Rasaas ay fureen Ciidamada Booliska Soomaliland oo kala eryayay dad ku soo xoomay Xarunta Golaha Wakiillada
Maxamed Cali Roytar
[email protected]
Garowe, Puntland, Somalia