Arbaco, 14 October 2009 (HOL): Roobabkani ayaa waxa ay hal mar ka wada da’een qeybo badan oo ka tirsan Koonfurta Wadanka Soomaaliya gaar ahaan gobollada Jubooyinka, Gedo iyo weliba qeybo ka mid ah gobollada Dhexe ee wadanka Soomaaliya.
Magaalada Kismaayo ee xarunta u ah gobolkani Jubbada Hoose ayaa xalay ilaa maanta waxa ka da’aya roobab aad u xooggan kuwaasi oo hakad geliyay isu socodka Gaadiidka ka dhex shaqeeyo gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Meelaha ay sida weyn roobabkani uga da’een waxaa ka mid ah deegaannada gobolka Gedo oo ay abaaro ba’ani ka jireen muddooyinkii ugu dambeeyay iyadoona ay roobabkani deyrta ah si weyn u soo dhaweeyeen dadka ku nool gobolkaasi Gedo oo ay saameeyeen abaaro iyo biyo la’aan baahsan.
Roobabkani ayaa inta la ogyahay waxaysan geysan wax qasaaro ah oo ay geysteen iyadoo ay ku soo beegmayaan xilli abaaro baahsan ay ka jiraan qaar kamid ah gobollada dalka Soomaaliya sida gobolka Gedo oo xoolo dhaqato badani ay uga hayaameen gobollo kale oo dalka ah oo uu ka mid yahay gobolkani Jubbada Hoose
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya