Al-Shabaab oo muddo kama dambeys ah u qabtay Haweenka Magaalada Muqdisho

Arbaco, October 14, 2009(HOL):Waxaa maanta ku eg muddo kama dambeys ah oo ay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin u qabatay haweenka ku dhaqan magaalada Muqdisho, gaar ahaan deegaannada ay Xarakada ka taliso.

Xarakada Al-Shabaab ayaa haweenka ku dhaqan Magaalada Muqdisho waxay ku amartay in ay is-asturaan, isla markaana xijaab qaataan, waxaana loo sheegay in haweeneydii aan xijaaban ay muteysan doonto bil xarig ah iyo ganaax.

Darawallada gaadiidka dadweynaha  ayay iyana ku wargelisay xarakada in aysan gaadiidkooda u ogolaanin in ay raacaan haween aanan xijaab wadan. Shalay ayay ahayd markii ay xoogagga Al-Shabaab ay gacanta ku soo dhigeen haween aan xijaabneyn oo ku sugnaa deegaanka Suuqa Xoolaha.

Gobollada ay ka taliso Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa haweenka ku nool waxay qaataan Xijaabka, waxaana gobolladaas ka mid ah Jubbooyinka, Gedo, Bay iyo Bakool, Shabeelaha Hoose iyo qeybo ka mid ah Shabeelaha Dhexe.

Marka aad tago magaalooyinka Marka, Kismaayo, Baydhabo iyo magaalooyin kale oo ka tirsan gobollada Gedo, Bakool iyo Shabeelaha Dhexe ayaa waxaad arkeysaa haweenka oo dhamaantood xijaaban xitaa gabdhaha yar yar ee aan weli qaangaarin, waxaana haweenkaas la arkaa marka ay isugu soo baxaan dibadbaxyada ay soo qaabeeyaan maamullada Xarakada Al-Shabaab ee magaalooyinkaas ka jira.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya