Arbaco, October 14, 2009(HOL): Ururka Xisbul Islaam ee sida weyn uga soo horjeeda Dowladd Soomaaliya ayaa waxaa uu qirtay in saraakiil iyo ciidamo ka goostay ay u galeen Dowladda Soomaaliya.
Madaxa Warfaafinta Xisbul Islaam Shiikh Maxamed Macallin Cali ayaa sheegay in ciidamo iyo saraakiil ka tirsanaa Xisbul Islaam oo u galay Dowladda Soomaaliya ay ahaayeen Ciidmadii sarkaal dhawaan lagu dilay deegaanka Ceelasha Biyaha oo lagu magacaabi jiray Axmed C/raxmaan Odawaa Daalibaan.
“Waa jirtaa arrinta ciidamadaas, waxayna ahaayeen ciidamadii ninkii la dilay ee Daalibaan, waxayna qaateen aragti qaldan oo ka dhalatay saluug ay ka muujiyeen baaritaan lagu hayo dilkii sarkaalkaas loo geystay.
Shiikh Maxamed Macallin Cali waxaa uu sheegay in mas’uuliyiin ka tirsan Xisbul Islaam ay gacanta ku hayaan baaritaanka ciddii ka dambeysay dilka sarkaalkaas, wuxuuse carrabka ku dhuftay in aysan ilaa iyo haatan jirin wax ka soo baxay baaritaankaas.
“Waa iska caadi ah in qofkii wax caro ah gasho in dhinaca uu joogo maahee uu dhinac kale aado” ayuu yiri Shiikh Maxamed Macallin Cali oo sheegay in uu weli socdo baaritaankii lagu sameynayo dilka sarkaalkaas, wuxuuna caddeeyay in aan weli xog rasmi ah la heynin.
Hadalka uu sii daayay Madaxa Warfaafinta Xisbul Islaam ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay dowladda Soomaaliya ay soo bandhigtay saraakiil iyo ciidamo ka soo goostay Xisbul Islaam, kuwaasi oo watay labo gaari oo tikniko ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya