Arbaco, October 14, 2009(HOL): Midowga Ganacsatada Magaalada Baydhabo ayaa maanta waxay shaaca ka qaadeen in ay hiil iyo hoo la garab taagan yihiin, isla markaana ay diyaar u yihiin wixii dhinaca maamulka gacanta ku haya Magaalada Baydhabo uga yimaada.
Guddoomiyaha Midowga Ganacsatada Magaalada Baydhabo Shiikh Isxaaq Ibraahim oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaaladaas ayaa sheegay in sababta ay go’aankaas u qaateen ay tahay iyadoo uu ammaan u keenay maamulka Al-Shabaab ee gacanta ku haya Gobollada Bay iyo Bakool.
Shiikh Isxaaq waxaa uu sheegay in xiligii ay Dowladda Soomaaliya ku sugneyd Magaalada Baydhabo uu ganacsigooda dhibaato ku jiray, wuxuuna carrabka ku dhuftay in nabadgelyo la’aan darteed ay waayeen meel ay ku ganacsadaan.
“Waxaa dhici jirtay markii ay halkan joogtay Dowladda KMG ah in naloo yimaado oo la burburiyo goobaheena ganacsiga, iyadoo sababta loo burburinayo goobaheena ay ahayd in aan bixinno lacag”ayuu yiri Shiikh Isxaaq Ibraahim oo sheegay in haatan ay heystaan amni ay ku shaqeystaan.
Guddoomiyaha Midowga Ganacstada Magaalada Baydhabo waxaa uu sheegay in xiligaas gaadiidka ganacsatada leeyihiin ee isaga kala gooshi jiray Muqdisho iyo Baydhabo laga qaadi jiray lacag dhan 8,000,000 Sh. So balse haatan laga qaado kaliya 80,000 Sh, So.
“Wax kasta oo nooga yimaada dhinaca mujaahidiinta diyaar ayaan u nahay, dhinac walbana waan ka taageereynaa”ayuu yiri Shiikh Isxaaq Ibraahim oo sheegay in dadka ku dhaqan magaalada Baydhabo iyo guud ahaan gobolka Bay ay taageersan yihiin maamulka ka taliya Gobollada Bay iyo Bakool.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya