Arbaco, October 14, 2009(HOL): Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya iyo duleedyadeeda ayaa waxaa xalay iyo maanta ka da’aya Roob ay dadka ku qabowsadeen.
Magaalada Muqdisho oo uu weli roobka ka da’ayo ayaa wuxuu roobka hakad geliyay dhadhaqaaqii dadka iyo gaadiidka, wuxuuna biyo dhigay qaar ka mid ah waddooyinka Magaalada Muqdisho. roobkan ayaa ah roobkii deryta.
Marka laga soo tago in roobka ka da’ay magaalada Muqdisho uu ahaa mid aan waxyeello dadka u geysan haddana waxaa dhinaca kale roobka ka da’ay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye la soo sheegayaa in uu duunyo badan ku baabi’iyay deegaanka Lafoole, iyadoo sidoo kalena uu saameeyay dad ka barakacay magaalada Muqdisho oo ku nool deegaannada km13, Ceelasha Biyaha, Xaawo Cabdi iyo Lafoole.
Dadka barakacayaasha ah ee ku nool inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxay ku nool yihiin intooda badan guryo cooshado iyo aqallo ka sameysan kuwaasi oo aan iska xajin karin qabowga roobka, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay dadkaas ku nool yihiin raashin mucaawino ah oo ay ka helaan hay’adaha gargaarka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya