Arbaco, October 14, 2009(HOL): Kooxo Burcad Badeed ah oo heysta Doon Kalluumeysi oo laga leeyahay Dalka Spain ayaa waxay dalbadeen lacag madax furasho ah oo dhan 4 Milyan oo Doollar.
Sidoo kalena kooxaha Burcad Badeedka ah ayaa in ay sii daayaan Doonta ay heystaan waxay ku xireen shuruud ah in ay Dowladda Spain soo deyso labo saaxibadood ah oo ay dhawaan qabteen Ciidamada Spian ee ku sugan biyaha Soomaaliya.
Nin lagu magacaabo Cabdi Yare oo ka mid ah kooxda heysta Doonta Spain ayaa isagoo jooga Degmada Xarar-dheere wuxuu taleefoon ugu sheegay Wakaaladda Wararka AFP in lacagta ay dalbanayaan ay tahay mid yar marka loo eego sida uu u yiri Kalluun ay doontaas Soomaaliya ka qaadatay.
“Waxaan dalbaneynaa lacag afar Milyan oo Doollar ah si aan u sii deyno doontaas oo aan qabannay iyadoo si sharci darro ah uga kalluumeysaneysay Soomaaliya, waxayna lacagta aan dalbaneyno tahay mid ka yar Kalluunka ay Doontaas ka qaadatay Soomaaliya”ayuu yiri Cabdi Yare oo sheegay in aysan doontaas sii deyn doonin haddii aanan la fulin dalabkooda lacageed.
Doonta Alakrana ee ay heystaan Kooxahan oo Dalka Spain laga leeyahay ayaa waxaa la socda 36 shaqaale ah oo ka soo kala jeeda dalalka Spain, Ghana, Indonesia, Madagascar, Senegal iyo Seychelles.
Afduubyadii ugu dambeeyay ee ay geysteen Kooxaha Burcad Badeedka Soomaalida ayaa waxay gaarayaan ilaa shan af-duub oo ay ku qabsadeen Maraakiib iyo Doomo laga leeyahay dalalka Taiwan, Ukraine, German iyo Turkey.
Ma jiro ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay Dowladda Spain oo ku saabsan lacagta madax-furashada ah ee ay dalbadeen kooxaha burcad badeedka ah. Kooxo burcad badeed ah oo ku sugan Xeebaha Soomaaliya ayaa waxay lacag Malaayiin dollar ah ka helaan Maraakiib iyo Doomo ay qabsadaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya