Arbaco, 14, Oct, 2009 (HOL): Laga soo bilaabo Gelinkii dambe ee shalay ilaa laga soo gaaro Saqdii dhexe ee xalay waxaa qeybo badan oo ka mid ah Goballka Hiiraan si toos ah uga da'ayay Roobabkii xiliga deyrta oo dhinaca kale marka la eego si weyn dadku u wada sugayay.
Deegaanno badan oo hoostaga Degmooyinka Jalalaqsi iyo Buula-burte ayaa ka mid ah meelaha sida weyn Dhibicda Roobku ugu hoortay, waxaana wararka laga helayo deegaannadaasi sheegayaan in Robabkii da'ay saacadihii ugu danbeeyay Biyo dhigeen dhamaan Balliyada iyo Togagga dadka iyo Xooluhu ka cabaan taasoo ay siweyn u soo dhaweeyeen dad badan oo Xoola dhaqato ah.
Meelaha sida weyn Roobku uga da'ay ayaa waxaa ka mid ah Magaalada Beledweyne ee xarunta u ah Goballka Hiiraan oo saakay la arkayo Biyo jiifa dhamaan Is-goysyada Magaalada, halka Xaafaddaha qaarna dadku bilaabeen in ay ka sameystaan Guryaha hortooda Carro-tuur ay uga hortagayaan in Biyuhu gudaha u soo galaan.
Wali Cirka daruurro ayaa saaran dadkuna waxaa uu sugayaa in saacadaha soo socda da'aan Roobab ka badan kuwii da'ay saacadihii aynu soo dhaafnay, laakiin haddana dad badan oo Xoolo dhaqato ah ma ahan kuwo Rajadoodu fiican tahay maadaama laga yaabo in Roobabka da'aya galaaftaan nolasha Xoolihii yaraa ee ka haray Abaartii ugu dambeysay ee ku dhufatay qeybo ka mid ah Gobalka, waayo Xoolaha intooda badan waa kuwo jilicsan isla markaana ay adag tahay in ay iska difaacaan qabowga iyo dhibicda uu wato Roobka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Roobab xoog leh oo ka da'ay qeybo ka mid ah Goballka Hiiraan
More News
- Dowladda Soomaaliya oo Waxbarasho Jaamacadeed u dirtay 100 Arday (DAAWO SAWIRRO)
- MADAXWEYNE-XIGEENKA SOMALILAND: “Waa in la sameeyaa Doodo iyo Barnaamijyo lagaga hadlayo Caruurta is-qarxinta la barayo”
- Roobab xooggan oo xalay ilaa maanta ka da’aya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
- Naafada Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Isbitaalka Martiini ku nool oo sheegay in Ciidamada Amisom ay si bareer ah rasaas ugu fureen
- Koox Burcadeed ah oo heysta Doon Spain laga leeyahay oo dalbaday lacag dhan 4 Milyan oo Doollar
- Ganacsatada Magaalada Baydhabo oo sheegtay in ay hiil iyo hoo la garab taagan tahay Maamulka Al-Shabaab ee Gobollada Bay iyo Bakool
- Puntland oo dooneysa in ay ka gudubto nidaamka qabiilka, una gudbeysa nidaamka Dimoqraadiyadda
- Ururka Xisbul Islaam oo qirtay in Ciidamo iyo Saraakiil ka tirsanaa ay u galeen Dowladda Soomaaliya
- Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo beeniyay in hub-ka-dhigis lagu sameeyay
- Roob xalay ka da’ay Magaalada Muqdisho iyo duleedyadeeda
- Al-Shabaab oo muddo kama dambeys ah u qabtay Haweenka Magaalada Muqdisho