Isniin, October 12, 2009(HOL): Labo Nin oo Soomaali ah oo lagu tuhunsan yahay in ay Burcad Badeed yihiin,isla markaana ay ka qeybqaateen af-duub loo geystay Doon Kalluumeysi oo Dalka Spain laga leeyahay ayaa waxaa lagu maxkamadeynayaa Dalka Spain.
Wasaaradda Gaashaandhigga Spain ayaa sheegtay in labada nin oo aysan magacaabin la qabtay iyagoo ku sii socday dhinaca berriga Soomaaliya, waxaana markii la qabanayay lagu tuhmay in ay ka tirsanaayeen Burcad Badeeddii qafaalatay Doonta Alakrana oo ah Doon Kalluumeysi oo Dalka Spain laga leeyahay.
Labadan nin ayaa waxaa loo qaadi doonaa Maxkamad ku taalla Magaalada Madrid, taasi oo qaadi doonta dacwadda lagu soo oogay ee ah in tuhun burcad badeednimo laga qabo.
Dowladda Spain ayaa dhawaan ka codsatay Dowladda Soomaaliya in ay gacan ka geysato sidii loo sii deyn lahaa doontaas iyo shaqaale la socda oo ka soo kala jeeda dalalka Spain, Indonesia, Seychelles, Madagascar iyo Senegal.
Bishii May ee sanadkan Dowladda Spain ayaa isku dayday in ay dalkeeda geyso kooxo lagu tuhunsanaa in ay burcad badeed yihiin laakin ugu dambeyntii Spain waxay ku wareejisay kooxdaas la tuhunsanaa dalka Kenya.
Dad badan oo markoodii hore loo soo qabtay tuhun ah in ay Burcad Badeed yihiin ayaa wax dembi ah lagu waayaa kaddib marka maxkamad la soo taago, iyadoo taasina ay keento cabsi ah in ay dadkaas magangalyo weydiistaan dalalka maxkamadeynta loo geeyay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya