Qaar ka mid ah Ururrada Haweenka Gobolka Banaadir oo wax bani’aadannimada ka baxsan ku tilmaamay warqado dhawaan loo daadiyay Isbitaalka Madiina

Isniin, October 12, 2009(HOL): Haween ka socda Dalladda Haweenka COGWO iyo Guddiga Haweenka Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa maanta waxay booqasho ku tageen Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ku jiraan bukaano aad u badan oo ku waxyeelloobay dagaallada aan dhamaadka lahayn ee ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Haweenkan ayaa waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Dalladda Haweenka COGWO Shariifo Caddow. Shariifo waxay sheegtay in dadkii warqadaha u daadiyay Isbitaalka Madiina iyo Hay’adaha ganacta siiya ay ahaayeen kuwo aan damiir lahayn.

“Qofkii doonaya in la xiro Isbitaalka Madiina oo aan arkeyno dadka dhibaateysan ee ku jira waa qof aan haba yaraadee wax damiir ah lahayn, waxaana leenahay dadka arrintaas ku lugta leh idinka yeeli meyno in Isbitaalka aad xirtaan”ayay tiri Shariifo Caddow.

Sidoo kalena waxaa ka hadashay Caasho Shaacuur Ugaas oo ka mid ah Guddiga Ganacsatada Gobolka Banaadir, waxayna sheegtay Caasha in ay cambaareynayaan dadkii ka dambeeyay warqadihii Isbitaalka loo daadiyay.

“Waxaad ogaataan haddii Isbitaalka Madiino la xiro, ma jiri doono Isbitaal furnaan doona, taasi waxay keeni doontaa in dadka ku dhaawacma dagaallada dalka ka socda la waayo meel lagu daweeyo”ayay tiri Caasha Shaacuur.

Caasho Shaacuur ayaa dhanka kale waxay baaq u dirtay Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dalka dibaddiisa ku dhaqan, waxayna ugu baaqday in ay si dhaqsi ah dibadda ugu qaadaan labo canug oo Isbitaalka Madiina ku jira, kuwaasi oo dhaawac culus qaba.

“Jaaliyadahow weligiin idinkaa caawin jiray dadka ku dhibaateysan gudaha dalka Soomaaliyeed, sidaas darteed waxaan idinka codsaneynaa in aad u soo gurmataan labadaas canug oo ugu daran dhaawacyada ku jira Isbitaalka Madiina”ayay tiri Caasho Shaacuur Ugaas.

Hadalka ay sii daayeen mas’uuliyiintan ka tirsan Ururrada Haweenka Gobolka Banaadir ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan Isbitaalka Madiina loo daadiyay warqado digniin ah oo ku socday Howlwadeennada Isbitaalka, Hay’adda ICRC ee Isbitaalka caawisa iyo weliba bukaannada Isbitaalka ku jira.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya