.jpg)
Isniin, October 12, 2009(HOL): Dhawaan waxaa magaaladda Muqdisho ku dhawaacmey Axmed Maxamed Maxamuud oo ah will 8 sano jir ah, dhaawaciisana waxa uu ahaa mid aad halis u ahaa waayo wiilku waxa uu ka dhaawacmay afka, sanka, ciridka iyo isha, waxaana la dhaawacmay hooyadiis Saafi, waxa uuna dhaawucu ka soo gaaray gacanta.
Haseyeeshee Hooyo Saafi waxa ay si aad ah uga walwalshay wiilkeeda oo uu dhaawiciisu ahaa mid ay dhakhaatiirtu ka deyriyeen kadib markii ay sheegeen in aan dalka waxba looga qaban karin, haseyeeshee dhakhaatiirta dadaal ay sameeyeen ayaa waxay ku guuleysteen in ay ka dalooliyaan dhuunta si uu uga qaato hawo, maadaama sanka iyo goobihii kale ee uu ka qaadan jiray neefta ay burbureen sidoo kale Dhakhaatiirtu waxay ka dalooliyeen dhinac ka mid ah dhinacyadiisa si halkaasi looga quudiyo raashinka.
Warbaahinta Soomaalida ee gudaha iyo midda dibadda ayaa si aad ah u baahinayey xadgudubkaas weyn ee loo gaystay wiilkaas yar, taasina waxay keentay in dad Soomaaliyeed ay gurmad u fidiyaan hase yeeshee mar aanu wareysanay Aabaha dhalay wiilka oo lagu magacaabo Max’ed Maxamuud Cumar ayaa waxa uu u mahadceliyey inta ku hawlan wax u qabashada wiilkiisa, hase yeeshee waxa uu sheegay in wiilkiisa weli uusan helin gacantii uu ka sugayey shacabka Soomaaliyeed maadaama wiilkiisu uu galay xaalad adag, una baahan yahay gargaar deg deg ah si loo badbaadiyo, waxa uuna mar kale ka codsaday Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gudaha iyo dibadda iyo Hay’adaha samafalka in ay wilkiisa gacan balaaran u fidiyaan si xaaladda adag ee uu ku jiro looga samatabixiyo. Maadaama dhaqaatiirta ay caddeeyeen in aan dalka waxaba looga qaban karin
Ciddii dooneysa in ay gacan siiyaan wiilkaa yare e musiibaddu ku dhacday iyo Hooyadii la soo xiriir karaan taleefanadaan hoos ku qoran, oo si toos ah looga helayo Aabaha dhalay wiilka oo lagu magacaabo
Max’ed Maxamuud Cumar.
Tel: 0025215102092
Tel: 00252162331744
By: Amiin Yuusuf Khasaarp
E-Mail [email protected]