Ururka Xisbul Islaam oo sheegay oo sheegay in uu baarayo Sarkaal looga dilay nawaaxiga Deegaanka Ceelasha Biyaha

Isniin, October 12, 2009(HOL):Ururka Xisbul Islaam ayaa maanta shaaca ka qaaday in uu baaritaan ku hayo dilkii dhawaan deegaanka Ceelasha Biyaha oo Muqdisho iyo Afgooye u dhaxeeya loogu geystay sarkaal ka tirsanaa Xisbiga.

Madaxa Warfaafinta Xisbul Islaam Shiikh Maxamed Macallin Cali ayaa sheegay in ay baartitaan ku hayaan ciddii ka dambeysay dilka sarkaalkaas oo lagu magacaabi jiray Axmed C/raxmaan Odawaa (Daalibaan), wuxuuna caddeeyay in ay kaliya hayaan xog ah in ay dileen rag hubeysan oo gaari watay.

Waxa uu sheegay in sababta ay horay uga hadli waayeen dilkan sarkaalkan ay tahay iyadoo uusan weli u soo dhamaanin baaritaanka, “waxaa dhawaanahan soo badanayay dilalka loo geysanayo saraakiishii mujaahidiinta ahaa ee soo halgamay, arrintaasna waxaan ku heynaa baaritaan”ayuu yiri Madaxa Warfaafinta Xisbul Islaam  Shiikh Maxamed Macallin Cali.

Dhanka kalena, Shiikh Maxamed Macallin Cali waxaa uu ka hadlay dagaalkii dhawaan ka dhacay Magaalada Kismaayo iyo duleedyadeeda, wuxuuna sheegay in dagaalkaas uu u dhaxeeyay iyaga iyo Xarakada Shabaabul Mujaahidiin, wuxuuna carrabka ku dhuftay in dagaalkaas uu qarxay kaddib markii ay weerar ku soo qaadeen xoogagga Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Ugu dambeyntiina, Madaxa Warfaafinta ee Xisbul Islaam waxaa uu ka hadlay maleeshiyooyin Soomaali ah oo la sheegay in ay Dowladda Kenya ku tababareyso Xadka Soomaaliya iyo Kenya u dhaxeeya, wuxuuna sheegay in dowladda Kenya ay dooneyso in ay soo celiso Hoggaamiye kooxeedyadii iyo maleeshiyo beeleedyadii Soomaalida ee dhibaatada badan ku heyn jiray Shacabka Soomaaliyeed.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya