Maamulka Dekedda Muqdisho iyo Ganacsatada wax kala soo dega Dekedda oo canshuur isku khilaafay

Isniin, October 12, 2009(HOL):  Xiisad ka dhalatay canshuur kordhin uu sameeyay maamulka dekedda Muqdisho, taasi oo lagu soo rogay ganacsatada dekedda wax kala soo dega ayaa waxaa hakad gelisay dhaqdhaqaaqii dekedda Muqdisho.

Dhowr maalmood wax dhaqdhaqaaq ah kama socdo dekedda Muqdisho, waxaana taasi ugu wacan iyadoo ay canshuurtaas ku heshiin la’ yihiin ganacsatada iyo maamulka dekedda.

Waxaa jira dadaal ay waddo dowladda Soomaaliya oo ku saabsan sidii loo xalin lahaa is-faham waaga dhinaca canshuuraha ah ee soo kala dhexgalay maamulka dekedda Muqdisho iyo ganacsatada dekedda wax kala soo dega.

Dhanka kalena, waxaa maanta dekedda Muqdisho ku xiran oo rar saaran laga dejinayaa Markab u raran ciidamada Amisom ee Muqdisho ku sugan, kaasi oo la sheegay in uu sahay dawo iyo raashin isugu jirta uu u wado ciidamadaas.

Mar kasta oo dekedda uu ku soo xirto markab wax u wada Ciidamada Amisom waxaa gebi ahaanba la hakiyaa dhaqdhaqaaqyada kale ee dekedda ka socda, gaar ahaan dejinta badeecooyinka ay leeyihiin ganacsatada Soomaaliyeed.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya