Markab Shixnado u waday oo Dekedda Muqdisho si nabadgelyo ah looga dejiyay iyadoo aan wax madaafiic ah lagu tuurin Dekedda

Isniin, October 12, 2009(HOL): Xarunta dekedda caalamiga ah ee magaalada Muqdisho ayaa maanta xirneyd gebi ahaanba, taasi oo mar kastaba dhacda marka ay ciidamada AMISOM dekedda uga soo degayaan shixnadaha milateri, kaddib markii ay horay ugu waxyeeloobeen hoobiyayaal ay soo tureen kooxaha kahorjeeda dowladda KMG ah iyo ciidamada AMISOM.
 
Markab lagu magacaabo M/V Alpha Kirawira oo ka yimid dalka Kenya ayaa maanta ku soo xirtay Dekedda Muqdisho, waxaana dejinta Markabkaasi oo qaadatay muddo dhowr saacadood ah laga dejiyay Konteenaro ay ku jiraan raashin, daawo iyo qalab xafiiseed ay isticmaalaan taliska ciidamada AMISOM, iyadoona dhinaca ammaanka si weyn loo adkeeyay.
 
Sidoo kale dhinaca badda ayaa ciidamada AMISOM waxay ka sameeyeen howlgallo baaritaan oo la xiriira difaacida markabka ay uga degayeen shixnadaha, iyadoo la arkayay ciidamada AMISOM oo raxan raxan ugu socda doomo aad u dheereeya oo gaaf wareegaya xeebaha ku dhow marsada dekedda.
 
Dhinaca kale dejinta shixnadahan ku socday ciidamada AMISOM ayaa maanta ku dhacay jawi nabadeed, mana jirin hoobiyihii lala soo beegsan jiray marka ay soo degayaan shixnadaha milateri.
 
Sidoo kale waxaa markii ugu horeysay ciidamada AMISOM ay adeegsadeen diyaaradaha wax basaasa, taasi oo la sheegay inay ka soo warbixinayaan goobta laga soo tuuro hoobiyaha, isla markaasina ilbiriqsi gudihiis jawaabo ay ka bixiyaan ilaa 6-Gantaal oo ah nooc aan horay loo arag ay rakibteen ciidamada AMISOM, kuwaasi oo daqiiqadii loo baahdo loo adeegsanayo in lagu dhufto bartii laga soo tuuray Hoobiyaha ama madaafiicda.

Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya