Isniin, October 12, 2009(HOL): Howgal ay ka sameeyeen ciidamada amaanka Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa saraakiisha ciidamadaas hoggaamineysa waxay ku shaaciyeen in ay gacanta ku soo dhigeen ninkii isagu gacantiisa ku dilay sarkaal ku xigeen ka tirsanaa Booliska gobolkaasi, kadib markii booliska lagu soo wargaliyay in uu afduub u haystay ninkan dilay ninka ciidanka ah qof ka mid ah dadka ku dhaqan magaaladaasi, kadibna ay Boolisku weerareen rasaas uu tuurayna ay dishay ninka ciidanka ahaa ee la sheegay in iminka loo haysto.
Waxaa arrintan oo ay saxaafaddu wax ka su'aashay ka warbixiyay Taliyaha qeybta Booliska gobolka Mudug G/sare Muuse Axmed C/raxmaan "Xasaasi" oo sheegay in ay howlgalkaasi ka sameeyeen xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo.
G/sare Muuse Axmed C/raxmaan "Xasaasi". waxa uu hadalkiisa ku daray in ay ahaayeen rag badan oo uu ka mid ahaa ninkii ay soo qabteen ee afduubka gaystay, kuwaas oo ku dhuumalaysanayay xaafadaasi.
Waxa uu sheegay in imink loo dhaadhiciyay ninkaasi iyo nin kale oo lala soo qabtay xabsiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxa uuna G/sare Muuse Axmed C/raxmaan "Xasaasi" hadalkiisa sii daba dhigay in ninkii nimankaasi u afduuba isna afkiis ka qirtay in uu ka mid yahay burcada faraha ba'an ku hayasa magaaladaasi oo uu iminka baaritaan ku socdo.
Howgalkan lagu soo qabtay raggan ayaa yimid, kaddib markii habeen hore ay raggani afduubteen ninka iminka isna qirtay in uu ka mid yahay burcadda magaaladaasi, markii ay boolisku halkaas tageen ay rasaas isweydaarsadeen nimanka afduubtay ninkaasi, halkaasina uu ku dhintay mid ka mid ah ciidamada Booliska gobolka Mudug.
Maxamed Cali Royter, Hiiraan Online
[email protected]
Garoowe, Soomaaliya