Ciidamada amaanka Gobolka Nugaal oo maanta soo qabqabtay dhalinyaro jid-gooyooyin ka samaystay waddada kala barta Burtinle iyo Tuulo Jaam

Sabti, November 14, 2009(HOL): Dhalinyaro dhowr ah oo ka mid ah kuwa caadaystay in ay jidgooyooyinka ka dhitaan inta u dhaxaysa Burtinle iyo Tuulo Jalam oo hoos yimaada gobolka Nugaal ayaa ay maanta gacanta ku dhigeen ciidamada booliska gobolka Nugaal.

Dhalinyaradan la soo qabtay ayaa waxaa ay garayaan ilaa 10 waxaana la qab qabtay xili ay ku howlanaayeen arrimo amaanka lidi ku ah, sida uu sheegay xogahaya D/Hoose Degmada Burtnle xaafid C/risaaq Axmed oo HOL la soo xiriiray.

Qaqabashada dhalinyaradan ayaa waxa ay ka danbaysay, kaddib markii uu dhawaan howlo shaqo ku yimid xoghayuhu magaalada xarunta Puntalnd ee Garoowe, halkaasi oo uu kulan kula qaatay Taliyaha qeybta gobolka Nugaal C/raxmaan Xaaji Abshir iyo Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali oo uu u sheegay in ay jiraan dhalinyaro faro ba'an ku haya amaanka wadada kala barta Burtinle iyo Jalam.

Waxaana ay taasi keentay in ay saaka halkaasi ku dhaqaaqaan darasiin ka tirsan ciidamada Booliska gobolka Nugaal oo uu horkacayo Taliyaha qeybta gobolka Nugaal C/raxmaan Xaaji Abshir, kuwaas oo ilaa ay ka tagaan Burtinle gacnta mariyay dhamaan jidgooyooyinkii halkaasi lagu sheegay, kaddib markii ay dhalinyaradii halkaasi lagu shiigay ka dhigeen.

Dhanka kale waxaa maanta la furay ilaa saddex wado oo ka mid ah 14 wado oo ku yaala degmada Burtinle,kuwaas oo ilaa in mudo ah xirnaa, waxaana goob joog ka ahaa furitaanka wadooyinka Taliyaha qeybta gobolka Nugaal C/raxmaan Xaaji Abshir iyo Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali oo iyagu saaka gaaray degmadaasi.

Xogahaya D/Hoose ee degmada Burtinle xaafid C/risaaq Axmed oo isagu ahaa abaabulihii howsha wadooyinkaasi lagu furayo ayaa HOL u sheegay in ay jiraan wadooyin u harsan oo ay iyana iminka ku wadaan in ay furaan iyo xirmooyin kaabiga ku haya baliyada degmada Burtinle oo ay dad iska ooteen si ay halkaasi uga dhigtaan meelo ay hadhow cowskooda ka iibsadaan dadka yar ee reer Miyiga ah ee xoolahooda Abaarta kala soo badbadaay.

Arrimaha ka jira degmada Burtinle iyo nawaaxigeeda ayaan ahayn kuwo iminka uun kaliya la soo sheegayo. balse waxaa jiray dhowr jeer oo hore oo ay maamulku wax ka qabteen halkaasi, laakiin ay dib u soo lab kac leeyeen dhalinyarada iyo dadka iyagu inta badan lagu eedeyo oodashada xirmooyinka Gobolka Nugaal.

Maxamed Cali Royter, Hiiraan Online
[email protected]
Garoowe, Soomaaliya