MAXAMED DHEERE: “Xamar Kaare ayaa lagu joogaa, Kaarahana nama wada gaaro, sidaas darteed ayaan Kenya ugu soo dhuuntay”

Sabti, November 14, 2009(HOL): Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho uu uga maqan yahay arrimo la xiriira iyadoo aanu xil ka heynin dowladda Soomaaliya, isla markaana ay mas’uuliyiinta sare ee dowladda ay Kaare ku joogaan, isagana uusan heli karin in kaare lagu ilaaliyo maadaama uusan xil ka heynin dowladda Soomaaliya.

“Xamar Kaare ayaa lagu joogaa, Kaarahana nama wada gaaro, sidaas darteed ayaan Kenya ugu soo dhuuntay” ayuu yiri Maxamed Dheere oo sheegay in uu dib ugu soo noqon doono marka y siyaasad ka bilaabato Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Maxamed Dheere oo isagoo ku sugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya u warramayay Idaacadda Shabeelle ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ka hadlay waxa ay qaban karaan ciidamada Amisom ee jooga magaalada Muqdisho, wuxuuna carrabka ku dhuftay in aysan jirin wax ay qaban karaan Ciidamada Amisom.

“Ciidamada Amisom hadda waxay ilaaliyaan Garoonka Diyaaradaha, Dekedda Muqdisho iyo Xarunta madaxtooyada, ma lahan awood ay ku gaaraan 18-ka gobol ee dalka Soomaaliya”ayuu yiri Maxamed Dheere oo intaas ku daray in ay wax qaban karaan kaliya Ciidamo Soomaaliyeed.

Dhanka kalena, Maxamed Dheere wuxuu soo dhaweeyay maamulka cusub ee loo magacaabay Gobolka Banaadir, wuxuuna ugu baaqay madaxda maamulka cusub ee uu ugu sarreeyo Inj. Nuunne in ay la yimaadaan barnaamij waxqabad oo muuqda, wuuna ugu hambalyeeyay maamulka cusub.

Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan Magaalada Muqdisho-na wuxuu ugu baaqay Maxamed Dheere in ay taageero siiyaan maamulka cusub ee Gobolka Banaadir, si buu yiri uu u guto waajibaadka la saaray oo ay ugu muhiimsan  tahay arrinta ah  in nabaddii iyo kala dambeyntii la soo celiyo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya