
(Xasan Shire oo madasha shirka ka jeediyay warbixin ka careysiisay ergada dowlada Ethiopia)
Sabti, November 14, 2009(HOL): Fadhiga 46aad ee guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Xaquuqda Aadanaha oo 11-kii Bishan ka furmay Magaalada Banjul ee Caasimada Dalka Gambia ayaa looga doodayaa tacadiyada ka dhanka ah Xaquuqda Aadanaha, iyadoo kulankaasina ay ka qeybqaadanayaan Hay’adaha ka shaqeeya Xaquuqul Insaanka ee Afrika, Ururo Caalami ah iyo wakiilo metelaya dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika marka laga reebo dalal ay Soomaaliya ka mid tahay oo aaney dowladahooda cidna u joogin fadhiga., iyadoo ka qeybgalayaasha kulankaasi ay guda-galeen doodo kulul oo ay ka leeyihiin xaalada Xaquuqda Aadanaha ee dalal dhowr ah oo ka tirsan Qaaradda Afrika.
Fadhiga oo lagu doortay xubnaha cusub iyo hogaanka guddiga Midowga Afrika ugu xil saaran arrimaha Xaquuqda Aadanaha ayaa la gudagalay eedeymaha ay Ururada u dooda Xaquuqda dadka Qaaradda Afrika u jeedinayaan dalalka ay ka dhacaan tacadiyada ugu daran, iyadoo ergada dalalkaasina fadhiga hortiisa kaga jawaab celiyaan xadgudubyada lagu eedeynayo.

Guddoomiyaha hay’adda difaacayaasha Xaquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Geeska Afrika Xasan Shire Sheekh ayaa fadhigii shalay ka jeediyay warbixin ka kooban afartan bog oo ka hadleysay xadgudubyadii Xaquuqda Aadanaha ee ka dhacay 10 dal oo dhaca geeska iyo Bariga Afrika muddadii lixda bilood ee aynu kasoo gudubnay, dalalkaasi oo kala ah Suudaan, Ethiopia, Eritrea, Jabuuti, Somalia, Kenya, Tanzania, Uganda Ruwanda iyo Burundi.
Warbixintan oo si qaas ah diirada u saareysay dalalka Ethiopia, Suudaan iyo Soomaaliya ayaa ka careysiisay ergada shirka u meteleysa dowladda Ethiopia, wuxuuna Xasan Shire Sheekh ka sheegay fadhiga in wixii ka dambeeyay doorashadii ugu dambeysay ee ka dhacday Ethiopia ay Xakuumadda Melez Zenawi bilowday in sharciyo ka dhan ah Xaquuqda Aadanaha iyo iyo Dimoqraadiyada ka ansaxiso baarlamaankooda, wuxuuna Xasan Shire tusaale u soo qaatay xeer dabraya dadka u dhaqdhaqaaqa Nabadeynta, Dimoqraadiyada iyo Xaquuqda Aadanaha ee dalkaasi oo la ansixiyay sanadkan, kaasi oo ku qasbaya in ururadaasi ay hantidooda 90% ay ka aruursadaan dalkooda gudahiisa, halka dowlada dalkaasina ay 40% kaalmadeeda ka hesho dibedda, waxayna arrintani ku xinbaartay ayuu yiri iney ururadaasi ay shaqadaasi uga guuraan dhinaca horumarinta, iyadoo aaney mid ka mid ah ururada u dooda Xaquuqda Aadanaha ee ka jira Ethiopia aaney suurtagal u aheyn iney madasha shirkan oo kale ay kaga mudacaan dhibaatooyinka ay kala kulmeen Xukuumadda Ethiopia cabsi ay qabaan awgeed.
Sidoo kale, waxa uu Xasan Shire soo qaatay sharci kale oo lagu sheegay la dagaalanka argagixisada, taasoo uu ku tilmaamay in loola jeedo in qofkii ay rabaan ay ku xiri karaan, isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay gabar mucaaradka Ethiopia madax ka aheyd oo lagu magacaabo Birtukan Mideksa iney weli si sharciga ka baxsan ugu jirto xabsiga dalkaasi, sidoo kalena aan wax joornaaliiste ah iyo hay’adaha ka shaqeeya howlaha gargaarka aan aan loo ogoleyn iney tagaan deegaanada qowmiyadaha Ethiopia sida Dhulka Soomaalida iyo Oromiyada, sida uu hadlaka u dhigay.

Qodobada kale ee uu Xasan Shire ku eedeeyay dowladda Ethiopia ayaa waxaa la mid ahaa in Baarlamaanka Ethiopia uu ansixiyay bartamaha sandkii hore xeer kale oo xadgudub ku ah xoriyadda Saxaafadda iyo Xoriyatul Qowlka oo ay ka mid yihiin in dembiyo lagu soo oogo Suxufiyiinta ka hadasha xadgudubyada ay geysanayaan madaxda sare ee dowladda.
Waxa kale oo warbixinta uu jeedayay Xasan Shire lagu sheegay iney dhibaato ka taagan tahay in saxaafadda sida qaaska ah loo leeyahay aan loo ogoleyn iney helaan ruqsad ay ku shaqeeyaan sida joornaaliistayaasha aadka loo xushmeeyo ee kala Eskinder Nega iyo Serkalem Fasil.
Waxa kale oo ay warbixitaasi farta ku fiiqday xadgudubyada baahsan ee ka dhanka ah Xaquuqda Aadanaha ee ay ciidamada nabadgelyada ee Ethiopia u geystaan dadkooda taasoo ay ka mid yihiin ciqaabo jirdil ah iyo kuwo kale oo ka baxsan beni'aadenimada oo ay yasid ku dheehan tahay, dadka oo leyska qab-qabto dabadeedna xabsiyo aan la aqoonin lagu hayo, iyadoo aan wax Maxkamad ah lasoo taagin muddooyin aad u dheer, waxayna warbixintu xustay in loo diiday xubno ka mid ah guddiga Xaquuqda Aadanaha ee dadka Afrika oo codsaday iney booqdaan xabsiyada ay maamusho Xukuumadda Ethiopia.
Warbixintaasi ayaa ku talisay in dowladda Ethiopia ay xayiraada ka qaado hay'adaha dowliga iyo kuwa aan dowliga aheyn ee ka shaqeeya Xaquuqda Aadanaha iyo howlaha gar-gaarka si ay fursad ugu helaan iney si buuxda uga howlgalaan dhamaan deegaanada Dalka Ethiopia.
Eedeynta Guddoomiyaha hay’adda difaacayaasha Xaquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Geeska Afrika ayaa waxaa isla fadhigaasi jawaab uga bixiyay Madaxa ergada dowlada Ethiopia uga qeybgaleysa kulanka, wuxuuna fadhiga ka sheegay iney eedeyntaasi tahay mid aan sal laheyn, isla markaana laga leeyahay ujeedooyin siyaasadeed oo sumcada looga dilayo dowlada Ethiopia, isagoo ku eedeeyay hay'adda uu metelo Xasan Shire inay si joogto ah fadhiga Guddiga Golaha Xaquuqda Aadanaha ee Midowga Afrika uga soo jeediso eedeymo ka dhan ah Dowlada Ethiopia, isagoo si gaar ah u xusay in Madaxa Hay'adda Bariga iyo Geeska Afrika, Xasan Shire uu marar badan si xor ah socdaalo ugu tegay dalka Ethiopia, taasoo uu ku tilmaamay iney marag cad u tahay furfurnaanta iyo wadashaqeynta ay dowlada Ethiopia diyaarka ula tahay hay'adaha u dooda Xaquuqda Aadanaha, balse waxa uu sarkaalkaasi qirtay in sharciga hay’adaha u dooda Xaquuqda Aadanaha ee Baarlamaankoodu ansixiyay uu ahaa mid loogu talagalay in lagu yareeyo faragelinta iyo saameynta dhaqaale ee dibadeed ee ku wejahan arrimaha gudaha Ethiopia.
Guddiga Golaha Midowga Afrika ee Xaquuqda Aadanaha oo ka kooban 10 xubnood ayaa furitaankii fadhiga ku doortay guddoomiye iyo kuxigeen cusub oo kala ah Marwo Reine Alapini-Gansou oo kasoo jeeda dalka Benin, Mudane Munba Malila oo u dhashay Zambia oo ku xigeen loo doortay, waxaa kale oo guddigaasi kusoo biiray Mudane Mohamed Fayek oo kasoo jeeda dalka Masar, Mudane Mohamed Beshir Khalfallah oo u dhashay Tunizia iyo Marwo Zainabo Sylvie Kayiesi oo u dhalatay Ruwanda.
Dhanka kale Fadhigan oo soconaya muddo 15 cisho ah ayaa iminka gudagalay warbixin xiliyeedka dowladaha kala ah Ethiopia, Koongo-(Kinshasa), Kamaruun, Botuswana iyo Congo (Brazzaville).



Hiiraan Online News Desk