Sabti, November 14, 2009(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke ayaa u maanta dhoofay Magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, halkaasi oo uu u tegayo ka qeybgalka shir caalami ah iyo la kulanka Ra’iisal Wasaaraha Talyaaniga Silvio Perlusconi.
Ra’iisal Wasaaraha oo sii maraya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya wuxuu Talyaaniga u tegayaa labo arrimood oo kala ah ka qeybgalka Shir ay Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee FAO ku qabaneyso magaalada Rome iyo kulamo uu la yeelanayo madaxda Dowladda Talyaaniga, gaar ahaan Ra’iisal Wasaare Silvio Perlusconi.
Kulanka dhexmaraya Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid iyo dhiggiisa dalka Talyaaniga Silvio Perlusconi ayaa waxay labada mas’uul uga wada hadlayaan xiriirka labada dal iyo sidii ay Dowladda Talyaaniga u caawin lahayd Dowladda Soomaaliya.
Shirka ay soo qaban qaabisay Hay’adda FAO oo dhici doona maalinta Isniinta ah ee soo socota waxaa kala qeybgelaya Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Wasiirka Beeraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahin Xaabsade.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo Talyaaniga u dhoofay
More News
- Ciidamada amaanka Gobolka Nugaal oo maanta soo qabqabtay dhalinyaro jid-gooyooyin ka samaystay waddada kala barta Burtinle iyo Tuulo Jaam
- Fadhigii 46-aad ee Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Xaquuqda Aadanaha oo ka Furmay Gambia (DAAWO SAWIRRO)
- Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Addis Ababa
- Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Maamulka Puntland uu sabab u ahaa burburka wada hadalladii dhexmaray Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Puntland
- Madaxii Maaliyadda Maamulkii Gobolka Hiiraan ee uu madaxda ka ahaa Yuusuf Daba-geed oo Beledweyne lagu dilay
- MAXAMED DHEERE: “Xamar Kaare ayaa lagu joogaa, Kaarahana nama wada gaaro, sidaas darteed ayaan Kenya ugu soo dhuuntay”
- Maamulka Islaamiga ah ee Gobollada Jubbooyinka oo digniin u diray dad la sheegay in ay Telefonnada dadka uga hanjabaan