Maamulka Islaamiga ah ee Gobollada Jubbooyinka oo digniin u diray dad la sheegay in ay Telefonnada dadka uga hanjabaan

Sabti, November 14, 2009(HOL): Shir jar’aaid oo uu maanta qabtay madaxa warfaafinta Maamulka Islaamiga ah ee Gobollada jubooyinka Sheikh Xasan Yacquub Cali ayuu digniin culus ugu diray dad la sheegay in ay telefonnada dadka uga hanjabaan islamarkaasina amar ku siiyaan in ay 24-saac gudahood kaga baxaan Magaalada.
 
Sheikh Xasan Yacquub ayaa sheegay in dad fara badan ay magaalada isaga baxeen kadib markii teleefonnada ay uga hanjabeen dad uu sheegay in ay doonayaan in ay argagax ku abuuraan bulshada ku dhaqan gobolkani j/hoose wuxuuna sheegay in loo baahanyahay in dadka ku dhaqan magaalada kismaayo ay ka feejignaadaan arintaasi.
 
Mar afhayeenka la weydiiyay cida ay ku tuhmayaan in ay ka danbeeyaan falalkaasi ayuu sheegay in amuurtani ah in telefonnada dadka looga hanjabo ay jiri jirtay waagi maleyshiyaadka ay ka talin jireen magaalada kismaayo balse wuxuu sheegay in kadib dagaalkii ay la galeen xoogagii uu horkacayay Axmed Max’ed Mslaam (Axmed Madoobe) ay arintani dib usoo cusboonaatay.

Wuxuuna ugu baaqay dadka amuurtaasi ka danbeeyo in ay ka waantoobaan allena ka baqaan hadii kale buu yiri alle ayaa ku ciqaabi doono gacanta Mujaahidiinta.
 
Sikastaba ha ahaate hadalkan ka soo yeeray Maamulka Islaamiga ah ee Gobollada Jubooyinka ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay dhawaanahan soo ifbaxayeen hadallo sheegaya in telefonnada dadka looga hanjabo islamarkaasina amar lagu siiyo in mudo 24-saac gudahooda in ay kaga baxaan magaalada waxaana ay arintaasi qalqal ku abuurtay bulshada ku dhaqan Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka j/hoose.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya