Sabti, November 14, 2009(HOL): Wasiirka Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in burburka wada hadalladii ay shalay Nairobi ku yeesheen Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland uu sabab u ahaa Maamulka Puntland.
Wasiirka ayaa sheegay in maamulka Puntland uu shirka la yimid shuruudo aan saamaxeynin in ay wada hadallada sii socdaan, isla markaana horseeday in shirka lagu kala tago. “Walaalaha Puntland ka socday waxay shirka la yimaadeen shuruudo aan caqli-gal ahayn oo ay ka mid ahaayeen in kaalmooyinka dowladda soo gala Puntland qeybteeda laga siiyo, kheyraadkeedana ay ka faa’iideysato, iyadoo aan loo mareynin Axdiga u degsan Dowladda Soomaaliya”ayuu yiri Daahir Maxamuud Geelle.
Daahir Maxamuud Geelle, wuxuu intaas ku daray in ay madaxda maamulka Puntland ay sheegeen in aysan aqoonsaneyn Axdiga u degsan Dowladda Soomaaliya, sidaas darteedna aysan ogoleynin horumarinta mashaariicdeeda iyo kaalmooyinka la siinayo lagu saleeyo axdiga u degsan Dowladda.
“Intaas waxaa sii dheer in ay walaalaha shirka la yimaadeen in Dowlad loogu yeero Maamulka Puntland, aysanna u ogoleyn in Dowlad Goboleedka Puntland ama Maamulka Puntland la yiraahdo”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo intaas ku daray in arrintaas ay ahayd mid aan la isku ogeyn.
“Madaxweynaha Soomaaliya waxaa suurtagal u noqon weysay in uu aqbalo shuruudahaas oo ah kuwo hareer-marsan midnimada iyo qarannimada Soomaaliya”ayuu hadalkiisa ku sii daray Daahir Maxamuud Geelle, wasiirka warfaafinta Soomaaliya.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Nairobi kaddib markii ay fashilmeen wada hadalladii uu la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif ayaa wuuxu sheegay in burburka wada hadallada ay leedahay Dowladda Soomaaliya oo sida uu yiri aanan ogoleyn in Puntland ay hesho mashaariic horumarineed iyo qodobo kale oo ku saabsan dib u heshiisiinta iyo wax ka bedelka Axdiga u degsan Dowladda Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Maamulka Puntland uu sabab u ahaa burburka wada hadalladii dhexmaray Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Puntland
More News
- Ciidamada amaanka Gobolka Nugaal oo maanta soo qabqabtay dhalinyaro jid-gooyooyin ka samaystay waddada kala barta Burtinle iyo Tuulo Jaam
- Fadhigii 46-aad ee Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Xaquuqda Aadanaha oo ka Furmay Gambia (DAAWO SAWIRRO)
- Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo Talyaaniga u dhoofay
- Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Addis Ababa
- Madaxii Maaliyadda Maamulkii Gobolka Hiiraan ee uu madaxda ka ahaa Yuusuf Daba-geed oo Beledweyne lagu dilay
- MAXAMED DHEERE: “Xamar Kaare ayaa lagu joogaa, Kaarahana nama wada gaaro, sidaas darteed ayaan Kenya ugu soo dhuuntay”
- Maamulka Islaamiga ah ee Gobollada Jubbooyinka oo digniin u diray dad la sheegay in ay Telefonnada dadka uga hanjabaan