Sabti, November 14, 2009(HOL): Waxaa goor dhaweyd lagu dilay Magaalada Beledweyne Maxamed Deeq Cilmi Faroole oo ahaa madaxii maaliyadda ee maamulkii gobolka Hiiraan ee uu madaxda ka ahaa Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed).
Marxuumka oo lagu dilay meel aan u dheereyn xarunta maamulka gobolka ayaa sida ay ehelladiisa HOL u sheegeen waxaa toogtay rag hubeysan, kuwaasi oo markii ay dilka geysteen kaddib baxsaday.
Ciidamada Maamulka Xisbul Islaam ee ka taliya magaalada Beledweyne ayaa waxay gudha magaalada ka sameynayaan dhaqdhaqaaqyo ay sheegeen in ay ku baadi-goobayaan dadkii ka dambeeyay dilka marxuumka.
Marxuumka ayaa wuxuu magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ku sugnaa wixii ka dambeeyay markii maamulkii uu ka tirsanaa uu isaga baxay magaalada Beledweyne, iyadoo uu u soo joogay isbedello badan oo magaalada Beledweyne ka dhacay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Madaxii Maaliyadda Maamulkii Gobolka Hiiraan ee uu madaxda ka ahaa Yuusuf Daba-geed oo Beledweyne lagu dilay
More News
- Ciidamada amaanka Gobolka Nugaal oo maanta soo qabqabtay dhalinyaro jid-gooyooyin ka samaystay waddada kala barta Burtinle iyo Tuulo Jaam
- Fadhigii 46-aad ee Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Xaquuqda Aadanaha oo ka Furmay Gambia (DAAWO SAWIRRO)
- Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo Talyaaniga u dhoofay
- Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Addis Ababa
- Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Maamulka Puntland uu sabab u ahaa burburka wada hadalladii dhexmaray Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Puntland
- MAXAMED DHEERE: “Xamar Kaare ayaa lagu joogaa, Kaarahana nama wada gaaro, sidaas darteed ayaan Kenya ugu soo dhuuntay”
- Maamulka Islaamiga ah ee Gobollada Jubbooyinka oo digniin u diray dad la sheegay in ay Telefonnada dadka uga hanjabaan