Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo oo mamnuucay in gaadiid tiro badan Aroosyada lagu gelbiyo iyo in filim laga duubo

Khamiis, May 28, 2009(HOL): Wareegto ka soo baxday  Xafiiska Dacwada ee Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo  ayaa lagu mamnuucay  in filim laga duubo aroosyada iyadoo sidoo kalena uu xanibay ciyaaraha qiib-ka ciyaarka ee xiliyada Aroosyada la ciyaaro.
 
Sidoo kale Wareegtadan ayaa waxaa lagu sheegay in gaadiid ka kabadan 3 baabuur aan lagu galbin karin Arooska, iyadoo Maamulka Islaamiga ah uu caddeeyay in cidii lagu qabto wax ka badan 3 baabuur sharciga la waafajin doono.

Maamulku Islaamiga ah  ayaa ku tilmaamay mid aan  shareecada Islaamka waafaqsaneyn qaabka iminka loo agaasimo xafladaha aroosyada ee ka dhacaya qeybo ka mid ah Magaalada Kismaayo ee Xarunta G/J/hoose.
 
Dhanka kalena, maamulka Islaamiga ah ee ka taliya Magaalada Kismaayo ayaa maanta wuxuu ugu baaqay dadka Kaamirooyinka ku shaqeeya ee isugu jira Wariyayaasha iyo kuwa sida gaarka ah wax u duuba in ay iska soo diiwaangeliyaan xafiiska Warfaafinta Magaalada Kismaayo, iyadoo ciddii aan is-diiwaangelinna loo sheegay in loo arkayo in ay shaqooyin gaar ah heyso.
 
Isdiiwaangelinta dadka Kaamirooyinka ku shaqeeya ayaa loo sheegay in ay heystaan waqti ay isku diiwaangeliyaan ilaa 1da June 2009 oo ay seddex maalmood oo kaliya naga xigto.

Hiiraan Online
Kismaayo, Soomaaliya