Khamiis, May 28, 2009(HOL): Orodyahanka Mo Farah ayaa jabiyay rikoorkii oradka 10 Km ee lagu qabtey maalinimadii Isniinta taariikhduna ahayd 25 May 2009 magaalada London kadib markii uu ku orday xawaare aad u sareeya oo uu kaga gudbay Line xariga 27 daqiiqo iyo 50 ilbiriqsi.
Mo Farah waa 26 jir u dhashay dalka Soomaaliya isla markaana degan Galbeedka magaalada London kana tirsan ciyaaryahanada u orda xulka dalka Britain, ciyaaryahankaan ayaa lasoo baxay wixii ka dambeeyay ciyaarihii Olympicada firfircooni dheeri ah guulo cusub, kuwaasoo uu ku dhigay rikooro cusub.
Oradka 3000M ee European indoorka waxay u dhigay rikoor cusub bishii Maaro 2009, hadana oradka Marathonka 10KM waxa u dhigay rikoor kale oo cusub, Mo Farah ayaa ku jabiyay rikoorkii oradkan Marathonka London oo uu hore u haystey ciyaaryahan u dhashay dalka Britain Mark Scruton wax ka yar 5 second.
Mo Farah oo ku orday 27 daqiiqo iyo 50 ilbiriq kuna guulaystey oradka London kana galay kaalinta 1aad halka kaalinta 2aad u galay ciyaaryahan u dhashay dalka Kenya lana yiraahdo Samuel Kosgei, kaalinta 3aad waxaa galay isna ciyaaryahan u dhashay dalka Ukrain lana yiraahdo Sergiy Lebid.
Mo Farah oo jaraa’idka Metro la hadlayay markii uu soo afjarey guushii oradka 10KM London ee uu ku jabiyay British Rikoorka ayaa yiri sidatan ‘’ Run ahaantii waan ogaa in dhismaha jirkaygu uu ahaa mid diyaarsan,waxaana rabay inaa ku guulaysto,isla markaana ku soo xiro 28 daqiiqo jabiyana British rikoorka si aan guno ugu qaato guusha rikoorka cusub’’ ayuu Mohamed Farah yiri isagoo ku faraxsan guusha oradka 10.000m London Road race.
Guusha Mo Farah ee London iyo Rikoorkiisa cusub ayaa lagu soo bandhigay Jaraa’idka ka soo baxa dalka Ingiriiska guud ahaan, nasiib xumo dadka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada London oo lagu qiyaasay wax ka badan 100.000 oo qof ayaanan ka qayb galin ama u soo daawasho tagin halyeey Mohamed Farah guushiisa,inkastoo ay iskugu hambalyaynayeen guusha Mo Farah markii ay jaraaidka ka aqristeen maalinimadii Talaadada.
Mo Farah ayaa ka qayb galaya bisha soo socoto ciyaaraha oradada lagu qaban doono dalka Germany gaar ahaan magaalada Berlin hadii Eebe idmo.
W/D: Yusuf Yusuf
Sports Editor of SSPAMEDIA
[email protected]
London, UK
Mo Farah oo rikoor cusub dhigay British 10.000 Road race oo lagu qabtay magaalada London
More News
- Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo oo mamnuucay in gaadiid tiro badan Aroosyada lagu gelbiyo iyo in filim laga duubo
- Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo u amba baxay Liibiya (Daawo Sawirrada)
- Afhayeenka Ururka Xizbul Islaam ee Gobolka Gedo oo sheegay in sii joogitaanka Ciidamada AMISOM ee la ansixiyay lagu majaxaabinayo Shacabka Soomaaliyeed
- Afhayeen u hadlay Xarakada Shabaabul-Mujaahidiin oo jawaab ka bixiyay go’aankii IGAD iyo Midowga Afrika
- Saddexda Xisbi Siyaaso iyo Guddida Doorashooyinka Somaliland oo wada-jir heshiis u gaaray
- Maamulka Kismaayo oo mar kale ugu baaqay dadweeynaha in aysan Ragga iyo Dumarka is-dhexgalin
- Maxaabiis ku sumoobay Raashin loogu geeyay Xabsiga ay ku xirnaayeen oo ku yaalla Magaalada Gabiley