Khamiis, May 28, 2009(HOL): Maamulka Islaamiga ah ee gacanta ku haya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ayaa mar kale ku baaqay in aysan is-dhexgalin ragga iyo haweenka raacaya gaadiidka u baxa ama u safra gobollada iyo deegaanada ee ka ag-dhow magaalada Kismaayo.
Labo todobaad ka hor ayay ahayd markii ay soo saareen maamulku baaq kan la mid ah oo looga mamnuucay gaadiidka u baxa gobollada in ay ragga iyo haweenka hal kursi isla raacaan balse waxa muuqata in uusan dhaqangalin go’aankaasi hore.
Haddana waxa ay sheegeen maamulka gaarigii la qabto isagoo dadkiisa rakaabka ah oo is-dhex fadhiya ragga iyo dumarka in la xiri doono lana ganaaxayo, ayagoon wax danbi ah lahayn dadka rakaabka ah, isla markaasina ay arintu ku egtahay darawalka gaariga oo asagu mas,uulka ka ah dadka rakaabka ah, sida uu u sheegay HOL Axmed Xasan Tartiib oo ah Madaxa Ciidamada Ammaanka Wadooyinka ee Magaalada Kismaayo.
Horaantii sanadkan ayay ahayd markii laga joojiyay in ay ragga iyo haweenka hal kursi ka wada raacaan gaadiidka caasiyada ah ee ka dhex shaqeeya Magaaladan Kismaayo ee Xarunta J/hoose.
Waxaana Maamulku ay soo saareen qorshayaal dhowr ah oo laga hirgeliyay Magaalada tan iyo intii ay gacan ku haynteeda la wareegeen bishii 8aad ee sanadii 2008.
Hiiraan Online
Kismaayo, Soomaaliya