Khamiis, May 28, 2009(HOL): Sadexda Xisbi Siyaasadeed ee Somaliland UDUB, KULMIYE iyo UCID oo ay wehelinayeen Komishanka Doorashooyinka qaranka, ayaa si wada-jir ah qalinka ugu duugay heshiis ka kooban 8-Qodob, kaas oo nuxurkiisu yahay Hirgelinta doorashada Madaxtooyada oo loo mudeeyey inay qabsoonto 27/9/2009.
Heshiiskan ayaa waxay si rasmi ah ugu wada saxeexeen dhinacyada ay khuseysay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa. kadib markii uu ka cudurdartay inuu Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin labada Guddoomiye Xisbi Mucaaridka la saxeexdo heshiiskan taasna ay ka biyo diideen Mucaridku.
Munaasibadii lagu kala saxeexayey heshiiskan wax ka soo qeybgalay masuuliyiin ka kala socday Saddexda Xisbi qaran, Komishanka Doorashooyinka, Culima’udiinka, Salaadiin, dhalinyaro, haweenka iyo marti sharaf kale. Masuuliyiinta saddexda Xisbi Qaran iyo Guddida Doorashada kala metelayay ee Heshiiskan sida-wadajirka ah Qalinka ugu duugay ayaa kala ahaa; Xisbiga KULMIYE waxa u saxeexay Xoghaya Guud Keyse Xasan Cige, Xisbiga UCID-na Guddomiye ku-xigeenka 1aad Aadan Maxamed Mirre (Waqaf), Xisbiga UDUB-na waxa u saxeexay Xoghayahooda Jaamac Yaasin Faarax, halka Komiishanka doorashooyinkuna uu u saxeexay Gudoomiyahooda Jaamac Maxamed Cumar (Sweden).
Heshiiska wada-jirka loo saxeexday iyo qodobada uu ka koobnaa ayaa waxa uu dhignaa sidan;
“Heshiiska sadexda Xisbi qaran iyo komiishanka doorashooyinka Somaliland. Kadib wadahadaladii u soo taxnaa 16-kii -26-kii bisha May 2009 ee lagaga baaraan dagayey sidii la isula meel dhigi lahaa heshiisna looga gaadhi lahaa hawlaha diyaargarowga doorshada madaxtooyada:
Iyagoo xeerinaya muhiimada ay leedahay in lagaadho heshiis wadareed saldhig adag u noqda geedi socodka doorshada madaxtooyada. Iyaga oo tixgelinaya:
1. In dadka reer Somaliland xaq u leeyihiin in la qabto doorasho xor ah oo xalaal ah oo aan madmadow lahayn
2. Inay lagama maarmaan tahay maada uu wakhtigu isgurayo in la isku tanaasulo si looga midha dhaliyo doorashada madaxtooyda.
Markii la falanqeeyey:
Baaxada ay leedahay u diyargarowga farsamada hawleed ee doorashada madaxtooyada waxay gaadheen heshiiskan:.
1. In doorashada madaxtooyadu qabsoonto wakhtiga loo mudeeyey ee ah 27 Sept. 2009 ee u dhiganta 8 Shuwaal 1430 ee Hijriyada haddii Alle idmo.
2. Heshiiska Server-ka ee sadexda Xisbi qaran:
Sadexda xisbi qaran waxay isku raaceen baahida loo qabo in la soo saaro liiska codbixiyayaasha rasmiga ah ee u fasaxaya inuu muwaadinku ka codeyn karo goobta cod-bixineed ee magaciisu ka soo baxay.
Xisbiyadu waxay taageereen liiska codbixiyayaasha ee kama danbeysta ah haddii ay shuruudaha soo socdaa ay fulaan:
2.1 In liiska codbixiyayaashu uu soo baxo ka hor 27 Julay 2009 oo ah taariikhdii ay u qabatay guddidi dhexdhexaadinta khilafaadka Siyaasadeed, Madaxweynaha Somaliland iyo Guddoomiyayaasha labada Xisbi Mucaaridna la aqbaleen.
2.2 In Guddida farsamada diwaangelintu ay si buuxda u gudato shaqadooda la xidhiidha habeynta liisaska codbixiyayaasha sida uu qeexayo xeer No. 37/2007 qodobkiisa 36.2 ee diwaangelinta codbixiyayaasha
2.3 In qaabka [parameters] sharaxaya ama macnaynaya diwaangelinta ansaxday la isla eego si wada tashi ahna [Consensus] ugu heshiiyaan guddida farsamo ee diwaangelinta codbixiyayaasha oo dhami sida uu farayo xeerka diwaangelinta codbixiyayaasha qodobkiisa 36.2 iyo kaabista qodobka 11aad ee isla sharcigaa iyo xeer dhaqameedka axsaabta siyaasada ee diwaangelinta codbixiyayaasha ee Ref/KDQ/XK/650/09 ee 10/2/2009 si wadajir ahna guddida farsamo u soo saxeexdo.
2.4 In natiijadu tahay mid lagu qanci karo, in codbixiyayaasha si aaan kala sooc lahayn u siinaysa xuquuqdooda codbixineed sida uu jideynayo qodobka 6.4 ee xeerka doorshada Golayaasha Deegaanka iyo Madaxtooyada ee xeer No. 20/2001.
2.5 Marka uu soo saaro server-ku liiska codbixiyayaasha ee ku meelgaadhka sadexda xisbi qaran waxay heli doonaan wakhti aan ka badnayn todoba maalmood oo ay kaga bogtaan liiska codbixiyayaasha, waxaanay hubinayaan in qaabkii hore la isugu raacay in la fuliyey, Xisbi kasta waxa uu ku soo gudbin doona qoraal inuu aqbalay liiska codbixiyayaasha ee kama danbeysta ah, iyada oo go’aanka ansixinta rasmiga ahna uu soo saari doono GDQ
3. In guddida doorashooyinku muddo toban maalmood gudahood ah ku soo diyaariyaan qorshaha hawsha doorashada madaxtooyada oo mudeysan [ presidential election time line] si loola socdo kolba hawsha shaqo ee doorshadu halka ay mareyso.
4. Iyada oo la qadarinayo bisha barakaysan ee Ramadaan waa in ololaha doorashada madaxtooyadu ee 2009 bilaabmaa lixdan maalmood ka hor maalinta codbixinta, dhamaadaana 48-sacadood ka hor maalinta codbixinta, arrinta waa in la waafajiyaa xeer.
5. Waa in sadexda xisbi iyo guddida doorashooyinku waa inay soo diyaariyaan heshiiska habdhaqanka anshaxa doorashada madaxtooyada [Code of Conduct] waa in lagu dhameystira afar todobaad gudahood marka heshiiskan la saxeexo.
6. meelaha ay ku jiraan galdaloolooyinka sharci ee xeer 20/2001 qeybtiisa doorashada madaxtooyada iyo xeerka diwaangelinta 37/2007 waa in la iswaafajiyo lifaaq xeer lana mariyo hay’ada sharci-dejineed.
7. In Sadexda xisbi qaran ee ka qeybgalaya doorashada Madaxtooyada laga siiyo warbaahinta qaranka xili isku mida [Air Time] iyo wakhti ku filan markasta sida Radio Hargeysa iyo TV-ga qaranka iyo Wargeysyada.
8. Guddida kormeerka iyo dabagalka doorashada madaxtooyada waa in la xoojiyaa awoodooda shaqo, gaar ahaan si ay u sugaan in dhamaan lagu dhaqmo shuruucda dalka u yaala iyo ku dhaqanka xeerka hab-dhaqanka anshaxa doorashooyinka [Election Code of Conduct].”
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland