Afhayeen u hadlay Xarakada Shabaabul-Mujaahidiin oo jawaab ka bixiyay go’aankii IGAD iyo Midowga Afrika

Khamiis, May 28, 2009(HOL): Shir jaraa’id oo uu magaalada Muqdisho ku qabtay Afhayeenka Xarakada Shabaabul-Mujaahidiin Shiikh Cali Maxamuud Raage (Shiikh Cali Dheere) ayaa wuxuu ku sheegay in go’aannada ka soo baxay Midowga Afrika iyo IGAD ay ahaayeen kuwo looga soo horjeedo nabad iyo nolol ay heystaan dadka ku nool deegaannada Dekedaha iyo Garoomada laga mamnuucayo.

Ururrada IGAD iyo Midowga Afrika ayaa waxay go’aamiyeen dhawaan in la xayiro Dekedaha iyo Garoomada ay maamulaan kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya, iyadoo sababta loo xayirayo-na ay ku shegeen in ay kooxahaas hub kala soo degaan, dhaqaale-na ay ka helaan.
 
Afhayeenkan wuxuu intaas ku daray in sidoo kalena go’aankaas uu kaliya dhan ka yahay dadka Muslimiinta ah, wuxuuna taasi ku sababeeyay in garoomadaas loo fasaxay sida uu u yiri duulimaadyada gaalada. 
“Deegaannada ay maamulaan Mujaahidiinta waxaa ka jirta nabad iyo nolol, wax canshuur ahna lagama qaado dadka wax kala soo dega garoomada iyo dekedaha aan maamulno”ayuu yiri Shiikh Cali Dheere.

Sidoo kalena Afhayeenka Xarakada Shabaabul-Mujaahiddiin waxaa uu ka hadlay muddo kordhin uu Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay u sameeyay Ciidamada Amisom ee ku sugan Magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in ay go’aankaas u arkayaan cadaawad loo qabo dadka Muslimiinta ah oo loo diidan yahay in ay aayahooda ka tashadaan, isla markaana ay shareecada Islaamka isku xukumaan.

Ugu dambeyntiina, mas’uulkan u hadlay Al-Shabaab waxaa uu saxaafadda ugu baaqay in ay hadda kaddib ugu yeeraan magaca Xarakada Shabaabul-Mujaahidiin, warbaahintii aanan sidaas ugu  yeereyninna wuxuu kula taliyay in ay iska dhaafto baahinta wararkooda.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya