Maxaabiis ku sumoobay Raashin loogu geeyay Xabsiga ay ku xirnaayeen oo ku yaalla Magaalada Gabiley

Khamiis, May 28, 2009(HOL): Sagaal Maxbuus oo ka mid ahaa Maxaabiista ku jira Jeelka Gabiley, ayaa shalay ku Sumoobay Raashin ay Cunneen.

Maayarka degmada Gabiley Aadan Muxumed Badde, ayaa sida aanu ka soo xiganay  Wargeyska Ogaal, xaqiijiyay in laba ka mid ahaa sagaalkaa Maxbuus ee Sumoobay ay dhinteen, laba kalena xaaladooda Caafimaad culus tahay.

“Sagaal Maxbuus baa sumoobay. Markaa labaa dhintay, labana waa siiriyoos, shanta kalena way ladan yihiin,” ayuu yidhi Maayarku. Mar la waydiiyay waxa ay ku Sumoobeen waxa uu ku jawaabay, “Siday noo sheegeen qolada Jeelku, xaafad baa Raashin looga qaaday nin ka mid ah kuwa Sumoobay, kaas baanay ku Sumoobeen.” Mar la sii waydiiyay siday ku ogaadeen in Raashinkaa xaafadda uu sheegay laga qaaday ay dadkaasi ku Sumoobeen, waxa uu yidhi “Horta, Raashinkii wixii yaraa ee ka hadhay waaba la qaaday oo Booliska ayaa gacanta ku haya, baadhis weli raashinkaa lagu sameeyayna ma jirto. Laakiin, waa intii Raashinka wada cuntay uun inta Sumowday….Maxaabiista waxa caado u ah in qofkii Raashin loo keenaba ay wada cunaan, taas baana sababtay.” Wuxuuna intaa ku daray, “Marka laba reebo labadaa dhintay, inta kalena imika (11:00 habeenimo) Cusbatalka ayay yaalaan oo lagu daawaynayaa.”

Maayarka degmada Gabiley Aadan Muxumed Badde, waxa uu sheegay in dadkaasi ku Sumoobeen Hadhimadii (Qadadii) duhurnimo ee shalay. Inta la ogyahay waa dhacdadii ugu horreysay ee Maxaabiis ku jirta Jeel Somaliland ahi ku Sumoobaan Raashin ay cunaan.
 
Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland