Afhayeenka Ururka Xizbul Islaam ee Gobolka Gedo oo sheegay in sii joogitaanka Ciidamada AMISOM ee la ansixiyay lagu majaxaabinayo Shacabka Soomaaliyeed

Khamiis, May 28, 2009(HOL): Afhayeenka Ururka Xizbul Islaam u qaabilsan gobolka Gedo ayaa sheegay in sii joogitaanka Ciidamada AMISOM ee ay ansixisay Xukuumadda Soomaaliyeed in ay tahay mid lagu marin habaabinayo Shacabka Soomaaliyeed, isla markaasina ay sii hurineyso Dagaallada ka sii soconaya Muqdisho.
 
Maalintii 3aad ee laga soo gudbay ayay ahayd markii Madaxweeyanah Soomaaliye Shariif Sheekh Axmed uu sheegay in ay sii joogayaan Ciidamada AMISOM Wadanka Soomaaliya, ayna Difaacayaan Xukuumadda Soomaaliya.
 
Farxaan C/laahi Ciilmooge oo ah Afhayeenka Xarakada Alshabaab oo saaka HOL u waramay ayaa sheegay in ay sii joogtista Ciidamada AMISOM dhibaato u keeneyso shacabka Soomaaliyeed.
 
Sidoo kale waxa uu beeniyay warar sheegayay in ay jiraan waan waan u dhaxeeysa iyaga iyo Kooxaha ku sugan Deegaanka Doollow ee uu horkacayo Col. Barre Aadan (Barre Hiiraale).
 
Hiiraan Online
Kismaayo, Soomaaliya