Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo ka qeyb-galay kulan balaaran oo ka dhacay Magaalada Beledweyne

Cabirka Farta

Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo ka qeyb-galay kulan balaaran oo ka dhacay Magaalada Beledweyne

Axad, 8, Maarso, 2009 (HOL)  Kulan balaaran oo ka soo qeyb-galeen Aqoonyahannada, Odayaasha, Culimaa'udiinka, Ganacsatada, Haweenka, iyo Dhalinyarada Beesha Xawaadle loogana hadlayay arimo dhowr ah oo la xiriira dhameynta khilaafaadka iyo waliba sidii ay beeluhu isku cafin lahaayeen ayaa lagu qabtay Magaalada Beledweyne ee xarunta u ah Goballka Hiiraan.
 
Kulanka oo sidoo kale ay goob joog ka ahaayeen Xubno ka tirsan Jaaliyadda Dibada ee Beesha Xawaadle ayaa waxaa ka qeyb-galay Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo hadal dheer u jeediyay dhamaan Xubnihii kala duwanaa ee ka soo qeyb-galay kulanka.
 
Ugaaska oo siweyn hadalkiisa ugu dheeraada ayaa ugu horeyn ka hadlay dhibaatooyinka kala duwan ee ka jira Goballka iyo guud ahaan dalka Soomaaliya, gaar ahaan Abaaraha,Colaadaha, oo sida uu sheegay Ugaasku ah mid dadku gacmihiisa ku keensaday kadib markii ay ku weecdeen dariiqii Eebe, sidoo kale waxaa uu Ugaasku sheegay in looga baahan yahay dadkii ka qeyb-galay kulanka in ay is cafiyaan islamarkaana ay dhameeyaan wixii khilaaf ah ee jira.

Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo ka qeyb-galay kulan balaaran oo ka dhacay Magaalada Beledweyne
 
Intii uu kulanku socday ayaa sidoo kale waxaa madasha la soo xiriiray Xubno ka tirsan Jaaliyaddaha dibada, Sida Jaaliyaddaha Beesha ee London iyo Switzarland kuwaa oo sidoo kale hadalo u jeediyay dhinacyadii kulanka ka qeyb-galay, kulana dar daarmay in Beeshu Gacmaha is qabsato mar walbana ka shaqeyso Nabada deegaanka iyo waliba dariska.
 
Kulanka oo marka dhinaca kale laga eego ahaa Rabi Tuug ayeey ka soo qeyb-galyaashu Ilaah ugu baryeen dhamaan Umadda Soomaaliyeed in uu ka saaro dhibaatada, waxaana halkaa sidoo kale Gabayo siweyn u soo jiitay dadkii kulanka ka soo qeyb-galay kana hadlayay dhibaatooyinka taagan waxaa halkaa ka soo kala jeediyay Abwaannada kala ah C/dhuux Guure Cali iyo Max'ed Cabdi Cibaar.

Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo ka qeyb-galay kulan balaaran oo ka dhacay Magaalada Beledweyne
 
Waa kulankii ugu horeeyay ee noociisa oo ay beeshu si wada jir ah ugu yeelato Magaalada Beledweyne tan iyo wixii ka danbeeyay 18-sano ee la soo dhaafay, waxaana xusid mudan in bilihii ugu danbeeyay ay Goballka ka taagnaayeen dhibaatooyin dhinaca Abaaraha ah oo soo foodsaaray dadka iyo duunyada ku dhaqan qeybaha Goballku ka kooban yahay kuwaa Ilaah looga baryay in uu Abaarta ka dulqaado.

C/raxmaan Diin, Hiiraan Online
[email protected]