9-KA MAARSO: Maalinta Xusuusta geeridii Elman Cali Axmed

Cabirka Farta

9-KA MAARSO: Maalinta Xusuusta geeridii Elman Cali Axmed
9-KA MAARSO: Maalinta Xusuusta geeridii Elman Cali AxmedIsniin, March 09, 2009(HOL): Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu xusayay sanadguuradii 13aad ee ka soo wareegatay geeridii marxuum Maxamuud Cali Axmed (Inj. Elman Cali Axmed) ayaa maanta lagu qabtay Hotelka Amiira ee Magaalada Muqdisho, iyadoo xafladdaasna ay ka qeybgaleen marti sharaf ka kala socday Bulshada Rayidka Soomaaliyeed iyo Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya.
 
Xuska sanadkan loo sameeyay Marxuum Elman Cali Axmed ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo sanadkii hore uu xanuun la soo dersay aawgiis uu u geeriyooday Guddoomiyihii Hay’adda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha ee Elman marxuum Inj. Suudaan Cali Axmed, kaasi oo 12kii sano ee la soo dhaafay soo hoggaaminayay Hay’adda loogu magac-daray marxuum Elman Cali Axmed.
 
9-KA MAARSO: Maalinta Xusuusta geeridii Elman Cali Axmed
Ugu horeyn waxaa xafladda ka hadlay Cabdi Yuusuf Jaamac oo ahaa nin ay Elman soo wada shaqeeyeen, wuxuuna ka taariikheeyay waxqabadkii iyo qaab-dhaqankii marxuum Elman Cali Axmed, wuxuuna sheegay Cabdi Yuusuf in Elman Cali Axmed uu ahaa nin indho u ahaa bulshada Soomaaliyeed, isla markaana ku dadaalayay in ay dadka wax bartaan waxna qabsadaanm “Magaaladan oo mugdi ah, isla markaana uu ka taliyo qofkii hub heysta ayuu Elman u dhaqaaqay in uu dhalinyarada hubka ka dhigo, una sameeyo xirfado ay ku shaqeystaan, runtii Elman wuxuu ka tegay wanaag badan oo ilaa maanta socda”ayuu yiri Cabdi Yuusuf Jaamac.
 
9-KA MAARSO: Maalinta Xusuusta geeridii Elman Cali Axmed
Waxaa ku xigsaday oo hadalkii qaatay C/llaahi Maxamuud Maxamed oo ka socday Hay’adda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha INXA, wuxuuna sheegay in waxqabadka Elman uu maqli jiray isagoo arday, kadib markii uu burburka dalka ka dhacayna uu ogaa iyadoo Elman uu magaalada Muqdisho ifinayay, isla markaana uu xirfado u sameyanayay dhalinyaro badan oo qaarkood hubeysnaayeen, kuwo kalena ay dawarsanayeen.
 
Waxaa xusid mudneyd in dadkii badnaa ee ka hadlay xafladda lagu xusayay munaasabadda 13 guuradii  ka soo wareegatay geeridii ay hadalladooda isku mid ahaayeen, isla markaana ay ku wada dhawaaqayeen in marxuum Elman uu ahaa nin muhiim u ahaa dadkiisa iyo dalkiisa, isla markaana wax u qabashada dadkiisa u istaagay xilli loo baahnaa.

9-KA MAARSO: Maalinta Xusuusta geeridii Elman Cali Axmed
Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin oo ka mid ah Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in Elman uu ahaa nin ku caan-baxay in uu dalkiisa iyo dadkiisa wax u qabtay, wuxuuna ku gaabsaday in uu ka codsanayo dadkii xuskiisa isugu yimid in ay faataxada u aqriyaan si uu Alle naxariistiisa u siiyo.

9-KA MAARSO: Maalinta Xusuusta geeridii Elman Cali Axmed
Nadiifo Maxamuud Yuusuf oo ka mid ah Guddiga Fulinta Hay’adda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha INXA ayaa ka hadashay taariikhdii Elman, “Anigoo ka imid Ingiriiska xiligii dalka uu burburka galay ayaa goor maqrib ah aniga oo socda meel ka mid ah Muqdisho waxaan ku arkay nalal la shido marka habeenkii la gaaro, markaas ayaan weydiiyay dadka cidda nalalkaas ku iftiimisa magaalada, markaas ayaa la igu yiri waa nin la yiraahdo Elman, kadib waxaan ku iri ninkan wanaagga sameynaya waxaa dili doona dad badan oo aan ogoleynin wanaagga uu sameynayo, sidii ayayna noqotay”ayay tiri Nadiifo Maxamuud Yuusuf oo sheegtay in dadka Soomaaliyeed ay ka caado yeesheen in ay dilaan qof kasta oo u soo caan-baxa.“Elman wuxuu soo saaray dhalinyaro baabuurta sameeya, korontada sameeya, baabuurta kaxeeya iyo kuwo kale oo uu sameeyay shaqo ay noloshooda ku dabartaan”ayay tiri Nadiifo Maxamuud Yuusuf.

9-KA MAARSO: Maalinta Xusuusta geeridii Elman Cali Axmed
Sidoo kale waxaa xafladda ka hadashay Fartuun C/salaan Xaaji Aadan oo ahayd Xaaskii uu ka dhintay marxuum Elman Cali, waxayna Fartuun sheegtay in aysan dooneynin in ay ku dheeraato ka hadalka wixii wanaag ahaa ee uu Elman qabtay, waxayna hoosta ka xariiqday in ay maanta adduunka dushiisa ka muuqdaan wixii uu hindisay Elman Cali Axmed.

“Qof kasta oo wanaag sameeya lama iloobo, taariikhdana wey xustaa, Elman-na wuxuu ka mid ahaa dadkii wanaagga sameeyay ee aan ilaa iyo maanta ka go’in quluubta dadka Soomaaliyeed”ayay tiri Fartuun C/salaan Xaaji Aadan oo sheegtay in xuska loo sameynayo Elman Cali Axmed ay maanta ka dhacayaan meelo badan oo Adduunka ah, iyadoo sameynayaan dad aan ahayn ehelladiisa iyo qaraabadiisa.

9-KA MAARSO: Maalinta Xusuusta geeridii Elman Cali Axmed
Aadan Xaaji Yuusuf oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Shirkadda Isgaarsiinta NationLink oo xafladda ka  hadlay, isla markaana aqoon fiican u lahaa marxuum Elman Cali Axmed ayaa sheegay in Elman uu Macallinkiisa ahaa , “Illaa maanta haddii aan xusuusto waxqabadkii marxuumka waan jiriricoodaa sababtoo ah waxaan aqaannay wanaaggii uu marxuumka dadkiisa iyo dalkiisa uu u sameynayay”ayuu yiri Aadan Xaaji Yuusuf.

Aadan Xaaji Yuusuf oo ka sii hadlayay wanaaggii uu ku yaqaanay Elman ayaa sheegay in uu mar kasta is-weydiiyo in la arki doono qof sida Elman oo kale ah, “Marka aan su’aashaas is-weydiiyo hadana aniga ayaa isaga jawaaba, waxaana ii soo baxda jawaab ah in aan la arki doonin qof Elman oo kale ah oo wadani ah”ayuu yiri Aadan Xaaji Yuusuf oo sheegay in dadkii Elman ka geeriyooday uu isaga ka mid yahay, “Elman wuxuu dadka iyo dalka Soomaaliyeed u istaagay waqti geesinimo Muwaadinnimo loo baahnaa, wuuna ku dhintay geesinimadii uu la soo baxay”ayuuna hadalkiisa ku sii daray Aadan Xaaji Yuusuf oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Shirkadda Isgaarsiinta NationLink.

9-KA MAARSO: Maalinta Xusuusta geeridii Elman Cali Axmed
Farxaan Cusmaan oo ah Guddoomiyaha Naadiga Kubadda Cagta  Elman ayaa isna ka hadlay xafladdii lagu xusayay marxuum Elman Cali Axmed, wuxuuna sheegay in taariikhdii uu ka tegay marxuum Elman Cali Axmed aanan lagu soo koobi karin xaflad kaliya, wuxuuna intaas ku daray in Elman uu ahaa nin nabadeed oo soo celinta nabadda uga qeybqaadanayay Isboortiga, “Elman wuxuu ahaa nin wanaag iyo kheyr waday, sababtoo qofka wanaag sameeya marka uu dhinto kadib waa sii socdaa wanaaggiisa, laakin qofkii shar wada, marka uu dhinto halkaas ayaa dadka ugu dambeysa”ayuu Farxaan Cusmaan.

“Isboorti ahaan maanta waxaan ku maamuuseynaa  marxuum Elman labo tartan oo Kubadda Cagta iyo Kubadda Kolayga kala ah, Garoonak Kubadda Kolayga EX-Luujino waxaa ku ciyaaraya Kooxaha Kubadda Kolayga NationLink iyo Heegan, halka Garoon ku yaalla Degmada Xamar-weyne ay ku ballansan yihiin labo kooxood oo kubadda Cagta ah oo ka kala socda Degmooyinka Xamar-weyne iyo Waaberi”ayuu yiri Farxaan Cusmaan oo intaas ku daray in ay dhinaca Isboortiga ka kaalmeeyaan 610 dhalinyaro ah oo Muqdisho.

9-KA MAARSO: Maalinta Xusuusta geeridii Elman Cali Axmed
Ugu dambeyntii waxaa xafladda ka hadlay Ku simaha Guddoomiyaha Hay’adda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha ee Elman Cali Shiikh Yaasiin (Cali Fadhaa), wuxuuna Cali Fadhaa ugu horeyn u mahadceliyay dadkii xuska Elman ka soo qeybgalay, kadibna wuxuu aqriyay warbixin ay Hay’adda ELMAN ka diyaarisay xad-gudubyadii ka dhacay Soomaaliya sanadkii 2008.

Cali Fadhaa waxaa uu kadib soo bandhigay xadgudubyo ay diiwaangeliyeen sanadkii 2008, kuwaasi oo isugu jira dilal, dhaawacyo, barakicin, Af-duub loo geystay Shaqaale Hay’ado Samafal oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah, Af-duub loo geystay Dad Shaqaale Hay’ado samafal oo Caalami ah.

SHAXDA

NO

NOOCA DHIBAATADA

TIRADA DADKA WAXYEELOOBAY

1

Dilal

7574

2

Dhaawacyada dagaallada

16914

3

Barakicin qasab ah

1.5 Milyan

4

Af-duub Shaqaale Gargaar oo Soomaali ah

25

5

Af-duub Shaqaale Gargaar oo Caalami ah

16

6

Dad weli af-duub lagu heysto

12

7

Kufsi

106

8

Jir-dil

1164

9

Xarig

10213

10

Af-duubka Maraakiibta ganacsi iyo kuwo gargaarka

32

11

Dhibaatooyinka soo gaara dadka dalka ka carara

oo sii kordheysa

12

Tirada Weerarrada Burcadda Badda

oo sii kordheysa

13

Tirada Kooxaha hubeysan

oo sii kordheysa

14

Dowladaha Shisheeye ee ku lugta leh

oo sii kordheysa

Dhanka kalena, Cali Shiikh Yaasiin Cali Fadhaa waxaa uu ka sii hadlay in ay weli sii socdaan dhibaatooyin soo gaara dad badan oo ku nool Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in sanadkan 2009 ay jiraan kiisas hor leh oo ay diiwaangeliyeen kuwaasi oo ku saabsan dad shacab ah oo xadgudubyo loo geystay.

“Waxaan ugu baaqeynaa Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya iyo Kooxaha ka soo horjeeda in ay dadka shacabka u turaan isla markaana ay joojiyaan dagaallada ay dushooda ka ridayaan sida dagaalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Degmada Hodan oo kale, kaasi oo ay ku dhinteen dad rayid ah oo aad u badan”ayuu yiri Cali Fadhaa oo hoosta ka xariiqay in Hay’adda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha Elman ay ugu baaqeyso dhinacyada isku haya Soomaaliya in ay dadkii Soomaaliya ka barakacay, gaar ahaan magaalada Muqdisho ay u suurtageliyaan fursad ay guryahooda dib ugu soo noqdaan.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Eng. Elman isaga oo ku guda jira howlahaas uu bulshada u hayay ee wax tarka leh ayaa la dilay 9-kii Maarso 1996-kii, mana jirin cid uu wax ka bi’iyay, waxaana toogtay shan nin maleeshiyo ah isagoo dhex lugeynayay Xaafadda Taleex ee degmada Hodan isla markaana gacanta ka haya canug yar oo agoon ah oo uu baar casho ka soo siiyay, kaasi oo haatan ka shaqeeya isaga oo soo koray Xarunta Elman, saacaduna waxay ku beegneyd xiligaas 7:30 fiidnimo.
9-KA MAARSO: Maalinta Xusuusta geeridii Elman Cali Axmed
9-KA MAARSO: Maalinta Xusuusta geeridii Elman Cali Axmed
9-KA MAARSO: Maalinta Xusuusta geeridii Elman Cali Axmed

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia