Saraakiil ka tirsan Ciidamada Amisom oo ku geeriyootay Diyaarad kula dhacday Harada Victoria ee Dalka Uganda

Cabirka Farta

Isniin, March 09, 2009(HOL): 3 Sarkaal oo ka tirsan Ciidamada Amisom ee ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa ku geeriyooday diyaarad kula dhacday Harada Victoria ee dalka Uganda.

Diyaaraddaas oo nooceedu ahaa Antonov ayaa waxay dhacday wax yar kadib markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha Entebbe oo dhowr iyo afartan Km u jira Magaalada Kampala ee Dalka Uganda, waxayna ku dhacday Harada Victoria.

Sida laga soo xigtay ilo ku dhow dhow Waaxda Socdaalka Dowladda Uganda waxaa loo maleynayaa in ay dhinteen gebi ahaanba 11 ruux oo diyaaraddaas saarnaa, kuwaasi oo isugu jiray 4 shaqaale ah iyo 7 ruux oo kale oo 3 ka mid ah ay ahaayeen saraakiil ka tirsan Ciidamada Amisom ee Muqdisho ku sugan, gaar ahaan kuwa Dowladda Burundi.

Afhayeen u hadlay Ciidamada Dowladda Burundi ayaa qiray in seddex ka mid ah saraakiishooda Ciidamada oo kala ahaa brigadier general, colonel iyo captain, “Warbixinta aan heyno waxay sheegeysaa in diyaarad ka kacday Garoonka Diyaaradaha Entebbe ay saarnaayeen Seddex Sarkaal oo ka tirsan Ciidamada Burundi ee Muqdisho ku sugan”sidaas waxaa Wakaaladda Wararka Reuters u sheegay Adolphe Manirakiza oo u hadlay Ciidamada Burundi.

Wararku waxay intaas ku darayaan in diyaaraddan oo dhacday 5:14am waqtiga Uganda ay sahay u wadday Ciidamada Amisom ku sugan Magaalada Muqdisho, iyadoo dad arkay markii ay diyaaradda dhaceysay ay sheegeen in diyaaradda uu dab ka kacay ka hor intii aysan ku dhicin Harada Victoria.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia