13 ruux oo ku dhaawacantay Qarax xalay ka dhacay magaalada Boosaaso

Cabirka Farta

Isniin, March 09, 2009(HOL): Ma jirin cid ku geeriyootay Qarax xalay ka dhacay magaalada Bosaaso ,balse waxaa ku dhaawacmay 13 ruux oo ay ku jiraan 7 ka tirsan ciidanka degmada Boosaaso, kuwaasi oo ka ag-dhawaa goobta uu qaraxu ka dhacay.
 
Qaraxaan ayaa ahaa Bom Gacmeed lagu tuuray ciidanka degmada Boosaaso oo ku sugnaa Isgoyska Gaaca ee bartamaha magaalada, lamana  garanayo cidda sida rasmiga ah uga danbaysay qaraxaan .
 
Kaddib Qaraxa waxaa bilawday rasaas goos goos ah oo ay ciidamada booliska kor u ridayeen, taasi oo lagu kala eryayay dadwaynihii isugu soo xoomay goobta uu qaraxa ka dhacay.
 
Dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi ayaa loola orday isbitalka wayn ee magaalada Boosaaso,waxaana dhaqaatiirta cusbitalka ay sheegeen in laga yaabo in dhaawacyadu ay sii kordhaan
 
Taliye ku xigeenka Ciidanka Poliska DGPL Maxamed Siciid Jaqanaf oo saxaafadda la hadlay goortii uu dhacay qaraxa ayaa sheegay in ay socdaan baaritaanno ku aadan ciddii falkaasi ka danbaysay.
 
Waxaa kaloo uu sheegay taliye ku xigeenka Ciidanka Poliska DGPL in ay jiraan dad ay uga shakisan yihiin qaraxaasi, isgaoo intaasi ku daray in maalmo kadib saxaafadda loo soo bandhigi doono cidda ay ku helaan danbiyadaasi.

Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso,Somalia