
Isniin, March 09, 2009(HOL): Dad Soomaaliyeed oo ku nool dalka Switzarland ayaa markii ugu horrsay taageero ballaaran u fidiyay Hooyo Nimco Xassan oo heysata Wiil yar oo uu la soo darsay Xanuun dhinaca maqaarka ah.
Jaaliyadda Switzarland oo gacan weyn ka geysatay in la helo deeqda la gaarsiiyay Hooyada Soomaaliyeed ayaa waxaa ay Xafiiska HOL ee Magaalada Beledweyne soo gaarsiisay deeq lacageed oo dhaqan 1,155 doolar ( Kun Bol Kontan iyo Shan doollar) oo uu Xafiisku guddoonsiiyay Hooyo Nimco oo si weyn u soo dhaweysay deeqda la soo gaarsiisay.
Lacagta ayaa noqoneysa tii ugu badneyd ee la gudoonsiiyo Qoyska Wiilka yar ee Xanuunsanaya kuwaas oo marka laga soo tago deeqda lacageed ee la soo gaarsiiyay si weyn ugu baahi qaba in ay helaan Daaweyn dhinaca Dibada ah.
Dhinaca kale marka laga soo tago deeqda lacagta ah ee la gaarsiiyay Qoyska uu ka soo jeedo C/llaahi Cumar oo ah wiilka yar ee Xanuunsan, waxaa xusid mudan in uu jiro dadaal ay wadaan dad Soomaaliyeed oo ku nool dalka dibaddiisa gaar ahaan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
C/llaahi Cumar oo 5 bilood jir ah, kuna nool Magaalada Beledweyne waxaa la soo darsay Xanuun dhinaca maqaarka ah kaas oo keenay in jirkiisu dil dilaaco, waxaana muuqneysa in xanuunka haya uu yahay mid u sii gubaya dhinaca Idhaha, waxaana ay HOL u sheegtay Hooyada dhashay Wiilka in xitaa marka uu hurdayo uusan awoodin in uu Idhaha isku qabto, sidaa daraadeed uu hurdo isaga oo indhaha ay xanuunayaan, waxaana ay mar kale ka codsatay dadka Muxsiniinta ah in ay wax kala qabtaan Caafimaad darrada heysta Wiilkeeda yar.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia