![]() |
| Madaxweynaha Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed |
Madaxweyne Shiikh Shariif ayaa u sheegay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kenya ku dhaqan in aysan hadda wax taageero maaliyadeed ah aysan siinin Dowladda Soomaaliya, taasi bedelkeedna ay caawiyaan dadka ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya, sidoo kalena ay ka qeybqaataan dib u dhiska goobihii waxbarashada iyo waddooyinka oo dhammaantood ku burburtay dagaalladii dalka Soomaaliya ka dhacay.
“kaalmada yareysi ma lahan qof walba wixii uu awoodo hal doollar, 2 doollar, 10 doollar ilaa boqol doollar qof walba wixii uu awoodo ayuu ku caawin karaa dadka ku dhibaateysan Soomaaliya, gaar ahaan Agoonta iyo Haweenkii laga geeriyooday”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
Kulankaas oo ka dhacay Hotelka Panari ee Magaalada Nairobi ayaa waxaa ka qeybgalay Mas’uuliyiin ka socday Dowladda Kenya, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya Faarax Macallin iyo Maxamed Ibraahim Cilmi oo ah Wasiir ka tirsan Xukuumadda Kenya, waxayna mas’uuliyiintaas ka socday Dowladda Kenya ay ugu baaqeen madaxda Dowladda in ay noqdaan kuwo dadkooda iyo dalkooda ka samatabixiya dhibaatada ay ku jiraan, halka ay shacabka Soomaaliyeedna ugu baaqeen in ay taageeraan Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya.
Ugu dambeyntiina, Madaxweynaha Soomaaliya oo Dalka Kenya ka bilaabay socdaal uu ku kala bixinayo dalal dhowr ah oo ku yaalla Bariga iyo Bartamaha Afrika ayaa waxaa lagu wadaa in uu kulamo kula qaato magaalada Nairobi Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki, kaasi oo ay isla soo qaadi doonaan arrimo ku saabsan xiriirka labada dal iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha ammaanka bad iyo berriba.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
