Isniin, March 09, 2009(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in uu degmadaas ka bilowday dagaal u dhaxeeya Xoogagga Al-Shabaab iyo Dariiqada Ahlu Sunna Wal-Jamaaca.
Dagaalkan oo weli socda ayaa wuxuu qarxay kadib markii xoogag u daacad ah Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen goob ay culumaa’udiinka Ahlu Sunna Wal-Jamaaca ay ku dhigayeen xaflad ay ku weyneynayeen dhalashadii Nabi Muxamed CSW.
Lama oga ilaa iyo haatan khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ah ee uu dagaalkan geystay balse waxaa la soo sheegayaa in uu saameyn ku yeeshay Degmada Baardheere oo dhaqdhaqaaqii Dadka iyo Gaadiidka ay hakad galeen.
Dagaalkan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan saraakiil u hadlay Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ay sheegeen in aan loo xafladeyn karin dhalashada Nabi Muxamed, waxayna sheegeen in ay tallaabo ka qaadi doonaan ciddii xaflado noocaas ah sameysa.
Dhawaanahan ayaa deegaanno dhowr ah oo ku yaalla Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya waxaa ka jiray khilaaf diimeedyo qaarkood gacan-ka-hadal gaareen kuwaasi oo dhexmaray xoogag kala taabacsan Al-Shabaab iyo Ahlu Sunna Wal-Jamaaca, wuxuuna dagaalkii ugu cuslaa ee labada dhinac dhexmaray uu ka dhacay Degmooyinka Guriceel iyo Dhuusa-mareeb ee Gobolka Galgaduud.
Wixii ku soo kordha dagaalka ka bilowday Baardheere kala soco halkan haddii Alle idmo
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia