
Axad, March 08, 2009(HOL): Maanta oo taariikhdu ku beegantahay 8-da Maarso 2009 waxaa ay Hay’adda Badbaadinta Dhallaanka iyo Caruurta Soomaaliyeed ee SSWC ay u qeybisay haween badan oo Muqdisho ka barakacay Boorsooyin aad u qurux badan oo ay gudaheeda ku dhexjiraan Dhar ka kooban Dirac iyo Garba-saar, Shaash, Sabuunta qubeyska iyo Saliidda Madaxa la marsado.
Deeqdan oo ay soo dhiibtay Hay’ad lagu magcaabo UNFPA, isla markaana qeybinteeda loo wakiishay Hay’adda SSWC ayaa waxaa loogu talagalay in ay munaasabadda 8-da Maarso aawgeed ay ku ciidaan Haweenka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwii ka barakacay magaalada Muqdisho oo aan helin daryeelkii ay u baahnaayeen.

Deeqdan ayaa waxaa loo qeybiyay Haween ku sugan seddex xero qaxooti oo ku kala yaalla Km13, Ceelasha Biyaha iyo Lafoole. Sacdiyo Shiikh Aadan oo ah madaxa Kaamka Km13 iyo Maryan Cali oo iyadana ah Madaxa Kaamka Raas-Caseyr ayaa labaduba waxay u mahadceliyeen Hayadaha SSWC iyo UNFPA oo ay sheegeen in ay u soo deeqeen xili ay kaalmada la siiyay aad ugu baahnaayeen, waxayna ugu baaqeen Hay’adaha la midka ah labadaas Hay’adood ee deeqda soo gaarsiiyay in ay ku daydaan, ayna gacantooda soo gaarsiiyaan.
Haweenkii loo qeybiyey deeqdaas oo tiradooda gaaraysay 300 Haween ah oo ka barakacay magaalada Muqdisho ayaa si weyn ugu farxay deeqda loo qeybiyay waxayna u mahadcemahadcelin u jeediyay Haya’dda SSWC oo kaalmadaas soo gaarsiisay.
Waxaa deegdaas gudoonsiiyey Haweenka ku jira Seddexdaas Xero Qaxooti gabar ka socotay Ururka Badabaadada Haweenka iyo Dhalaanka Soomaaliyeed (SSWC) oo lagu magacaabo Amina Cali Axmed. Aamino ka hadashay munaasabaddii ay dharkaas haweenka ugu qeybisay ayaa sheegtay in SSWC ahaan ay garteen in ay Haweenka Soomaaliyeed ka farxiyaan munaasabadda 8-da Maarso aawgeed.
“Waan sameyn karnay in aan xaflado qabanno oo aan dadka ka soo qeybgala aan siinno wax ay cunaan iyo wax ay cabaan, laakin waxaa nagala qurux badnaatay in wixii aan ugu talagalnay xuska munaasabaddaas aan Dhar ay ku ciidaan Haweenka barakacay aan ku soo iibinno, haddana qof kasta oo idinka mid ah wuxuu heystaa dhar ka kooban Dirac, Garba-saar, Shaah, Saabuun qubeys iyo Saliidda madaxa la marsado”ayay tiri Aamino Cali Axmed.
Aamino Cali Axmed waxay ka hadashay taariikhda Haweenka Soomaaliyeed, waxayna xustay in ay ka xun tahay in maanta Haweenka iyo Dhallaanka Soomaaliyeed ay badankood noqdeen kuwa ay ku dhacdo dhibaatooyinka dalka ka taagan, waxayna farta ku fiiqday in haween badan ay guryahooda uga soo barakaceen dagaallo dalka ka dhacay, sidaas darteedna waxay ugu baaqday dhinacyda isku haya Soomaaliya in ay wada hadal isugu yimaadaan , nabaddana ay ka shaqeeyaan, si ay u badbaadaan Haweenka iyo Dhallaanka Soomaaliyeed.



Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia