![]() |
| Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya- Shiikh C/qaadir Cali Cumar |
Shiikh C/qaadir Cali Cumar ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir looga fadhiyo in uu wax ka qabto Arrimaha Ammaanka, sidoo kalena uu nadiifin iyo dib u dhis uu ka bilaabo Gobolka Banaadir.
“Waxaa laga rabaa in Madaxda Maamulka Gobolka Banaadir ay si dar-dar leh u shaqeeyaan, isla markaana aysan sugin gargaar Dibadda uga yimaada oo ay waxqabadna u dhaqaaqaan”ayuu yiri Shiikh C/qaadir Cali Cumar oo sheegay in marka la arko iyadoo ay dadka Soomaaliyeed wax qabsanayaan kadib wax loo qaban karo.
“Mas’alada ah in mar kasta wax la weydiisto oo loo qeylo-dhaamiyo Beesha Caalamka taasi sax ma ahan, waxaa la rabaa in marka hore aan annaga howsha bilowno, kadib gacan-qabasho waan heli karnaa”ayuu mar kale yiri Shiikh C/qaadir Cali Cumar.
Shiikh C/qaadir Cali Cumar ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu la qaatay madaxda Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xildhibaannada Deegaanka Gobolka Banaadir, kuwaasi oo uu kala hadlayay sidii loo dar-dargelin lahaa maamulka Gobolka Banaadir.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
