Axad, March 08, 2009(HOL): Maamulka Gobolka Bari ayaa markii ugu horraysay ka digay colaad mar kale ka dhax dhalata beelo walaalo ah, kuwaasi oo dhawaan isku faro saaray meel u dhaw degmada Ufayn ee gobolka Bari.
Guddoomiyaa Gobolka Bari Muuse Geelle Faroole oo shir ku qabtay guriga Gobolka ayaa sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono beeshii jabisa heshiisyadiii xabad joojinta ahaa ee ay labadaasi beelood wada gaareen maalmo ka hor
Muuse Geelle guddoomiyaha Gobolka Bari ayaa intaasi ku daray in qodobadii ay labadaasi beelood ku wada heshiiyeen ay ka mid ahayd xabad-joojin dhexmarta labada maleeshiyo,waxaana uu sheegay in arrintaasi ay ku guuleysteen odayaasha gobolka,
"Waan in la ilaaliya Axdiga dhex yaalla labada beel ciddii jabisa odayaasha gobolka ayaa iska arki doona " ayuu guddoomiyaha u sheegay qaar ka mid ah wariyayaasha gobolka.
Dhinaca kale afhayeenka nabaddoonka Gobolka Bari C/Casiis Afguduud oo aan khadka taleefanka kula sheekaystay ayaa tilmaamay in beelahu ay ka wada hadli doonaan dadkii ay iska dileen si arinta loo xaliyo.
Dhawaan ayay ahayd markii dagaallo ay ku dhax mareen degmada Ufayn beelo halkaasi wada daga, kuwaasi oo ku wada heshiin waayay dhul daaqsin ah oo halkaasi ku yaala, waxaana intii dagaallada labada beelood ay socdeen ku dhintay dad ka badan 7 ruux oo labada beel ka soo kala jeeda
Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Onlne
[email protected]
Bosaso, Somalia
Maamulka Gobolka Bari oo ka digay dagaal mar kale dhax mara beelo wada Degmada Ufayn ee Gobolka Bari
More News
- Madaxweynaha Soomaaliya oo booqasho ku kala bixinaya Dalal ku yaalla Bariga iyo Bartamaha Afrika
- Hay’adda Badbaadinta Dhallaanka iyo Caruurta Soomaaliyeed oo Dhar u qeybisay Haween badan oo ka barakacay Magaalada Muqdisho
- Maamulka Islaamiga ah ee ka arimiya Goballka Hiiraan oo ka hadlay rabshado ka dhacay Magaalada Beledweyne
- Oday Dhaqameedyo iyo Culumaa’udiin Soomaaliyeed oo Dalka Qadar ugu amba baxay Arrimaha Dib u heshiisiinta iyo Nabadeynta Soomaaliya
- Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo maamulka G/Banaadir ugu baaqay in ay wax ka bedelaan qaabka ay u shaqeeyaan
- Gaadiidka leh Muraayadaha aan la iska arki karin oo laga mamnuucay Gobolka Shabeelaha Dhexe
- Munaasabadda Xuska Maalinta Haweenka Aduunka 8 Marso oo lagu qabtay Magaalada Beledweyne