Axad, March 08, 2009(HOL): Taliyaha Ciidamada Maamulka Goballka Hiiraan Shiikh Cabdi Qoorey ayaa ka warbixiyay sida ay u dhaceen rabshado galinkii danbe ee shalay ka dhacay Magaalada Beledweyne kuwaas oo sababay dhimashada iyo dhaawaca dad rayid ah.
Shiikh Cabdi Qoorey waxaa uu sheegay in Ciidamo ka tirsan Maamulka Islaamiga ee Goballka Hiiraan oo damcay in ay is hor-taagan ku sameeyaan dad doonayay in ay si sharci darro ah u dhistaan dhul Dowladdu leedahay weerar ku soo qaadeen sida uu hadalka u dhigay dad hubeysan, waxaana ay is rasaaseyn kadib Ciidamada Maamulku ku guuleysteen in ay gacanta ku soo dhigaan qaar ka mid ah dadkii weerarka ka qeyb qaatay, isaga oo sheegay in la horkeeni doono Shareecada Islaamka, inkastoo weerarkaas ay ku dhaawacmeen labo ruux oo rayid ah kuwaas oo marayay goob aan ka fogeyn halka iska horimaadku ka dhacay.
Sidoo kale Taliyuhu waxaa uu ka warbixiyay sidii uu u dhacay fal lagu dilay qof rayid ah kaas oo lagu dilay mid ka mid ah Xaafadaha Magaalada Beledweyne, waxaa uu sheegay Shiikh Cabdi Qooreey in falkaasi ahaa mid ku dhacay si kama ah waxaana uu yiri " Nin dhaliyaro ah ayaa Bistoolad ku riday dhaliyaro kale oo ay kaftameen, waxaana ay taas sababtay in Wiil dhaliyaro ah oo dariiqa maryaya rasaastu haleesho, Ciidamaduna waa ay ku raad joogaan shakhsigii dilka geystay oo baxsaday ayuu hadalkiisa sii daba dhigay Taliyaha.
Dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne ayaa rabashadihii ka dhacay Magaalada waxaa ay u arkayeen kuwo muujinaya sida wali ammaanku u yahay mid aan gaarsiisneyn halkii loo baahnaa waxaana ay su'aalo badan iska weydiinaya dadka wali ku howlan dhismaha goobaha danta guud xili dad badan u heystaan in arimahaas waqtigoodii la soo dhaafay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia